WAJAALE NEWS

Afar Mujaahid oo isku Jihaaday iyo Xisbigii Waddani oo la inqilaabay.

Dunidan aynu ku nool nahay waxyabaha had iyo goor dagalada lagu hoobto dhaliya waxaa kow ka ah isu fiirsashada mahadhooyinka siyasadeed ee ka dhexeeya siyasiyiin ay dhici karto in ay markii hore isku ujeedo ahayeen,balse waayaha iyo isbadalka siyaasadu uu ka dhigay kuwo kala aragti ka noqda wajiga siyasadeed ee markaasi uu dalku ku socdo.

Dhamaadkii doorashadii aadka u kululayd ee Somaliland ka dhacday sanadkii aynu soo dhaafnay,waxa aad moodaa in ay ka tagtay xanaf iyo xurgufo siyasadeed oo soo *faqday ama soo faagtay xadantooyin siyasadeed oo hore uga dhex oognaa Beelo iyo siyasiyiin ,kuwaasi oo wakhti hore dhaliyey dagaladii Somaliland horo socodkeeda dib u ragadiiyey.

Hadaba dhamaadkii dorashada iyo ku dhawaqistii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa aad moodaa in ay keentay isbadal dhinaca siyasada ah kadib markii xisbigii Doorashada laga helay uu si kal iyo laab ah ugu qanci waayey qaabkii iyo hanaankii ay dorashadu u dhacday walow ay markii danbe samir taagwaa oo tiraanyo ku dheehan tahay ay iska qateen.

Inkastoo Xisbiyada Somaliland aan la odhan karin waxaa jiray xisbi ka madaxbanaan Qabiilka xisbi kastaana uu dhabarka ku hayey qabiil iyo qolo isaga taageerta,hadana Xisbiga Wadani waxa aad moodaa in uu markii danbe si buuxda oo aan gabasho lahayn ugu xuubsiibtay tabashooyinka qabiilka wayn ee Garxajis.

Waxa kaloo iyana si buuxda xisbiga Wadani ugu soo dhufaysqaatay siyasiyiin ay culaad wayn oo siyasadeed ay ka dhexaysay waayo aad u farabadan,kuwaasi oo wakhtigaasi in uu Somaliland ka dhaco dagaal xumeeyey ujeedadii iyo wixii loosoo dagalamay riday.

Waxyar hadii aan dib ugu noqdo xisbiga Wadani iyo doorka aan isleeyahay waa uu ku yeelan karaa curinta iyo soo ifbaxa isu muuqashada siyasiyiintan iyo tabashada beesha Garxajis wayne:

Wadani waxa uu ahaa xisbi Qaran oo tageero aad u laxaadleh ka helay dadwaynaha Somaliland,xisbiga Wadani heerka tageerayaasha uu Somaliland ka helay iyo juhdiga iyo dadaalka uu ku bixiyey siyaasada aadka u furfircoon ee uu soo bandhigay waxa ay ahayd mid qiimo wayn Somaliland usoo kordhisay.

Wadani maxaa iska bedelay:

Anigu waxa aan isleeyahay isla markaana aan aamin sanahay in xisbigii Wadani la inqilaabay,madama marka horaba aynu nidhi xisbiyada Somaliland Qabiilkii dhinacna way u dhaafi wayeen , balse Wadani nabarkii muuqday ee korgiisa la dhayaayey ayuunbaa dhalay shirka Garxajis kadibna waxa kasii facamay Jabhad hubaysan oo kasoo dagaaltagta Somaliya.

Anigu kama hadlaayo in Garxajis cabashadiisu ay gardaro tahay balse waxyabaha qoraalkan kooban igu kalifay ayaa waxa ay tahay Xisbigii Wadani uu aan arkay in si dadban ay inqilaab ugu sameeyeen Ismaciil Hurre Buubaa iyo Axmed Mire,labadaasi oo ay xurguf wayn oo siyasadeed ka dhaxaysay Madaxwayne Muuse iyo Maxamed Kaahin.

Hadaba waxaan isleeyahay Madaxwayne Muuse Biixi waxa la gudboon in sida ugu dhakhsaha badan uu arimahan wax uga qabto, kana taxadaro in dabinka iyo qoolka ay siyasiyiintani ay u dhigeen in uu ku dhaco ,taasi oo keeni karta burbur Somaliland ku yimaada iyo cadaynta fashilkii isaga lala damacsanaa.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo aniga dhankayga ah nin aan xishmad iyo qadarin wayn u hayo ,waxaa ka muuqda in uu taladii iyo hogaankii xisbiga u dhiibay Ismaciil Hurre Buubaa kaasi oo lumiyey doorkii uu xisbiga Wadani ku lahaa Somaliland,iyada oo aad arkayso hadaladiisa iska hor iyo daba imanaayo.

Ismaciil Buubaa ilaa hada waxa mararka qaar ayay dadku garan wayaan ma xisbiga Wadani ayuu u doodayaa mise tabashada Garxajis,waa arin dad badan oo Siyasada u dhuun daloola ka yaabisay.

Garxajis iyo cidii kale ee Somaliland wax ka sheeganaysaaba xaq ayay u leyhiin in ay tabashadooda soo bandhigaan ,balse soo bandhigista tabashada Garxajis waa laga fiican yahay in Xisbiga Wadani soo marto,Ismaciil Buubaana waa xisbiga Wadani ,sida hada muuqatana Ismaciil ayaa afhayeen u ah xisbiga Wadani iyo Garxajisba.

Waxaan talo guud usoo jeedinayaa dhamaan xisbiyada Somaliland iyo dad waynahaba in aynu kala saarno xisbiyada iyo Qabiilka.

 

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

 

Exit mobile version