RIYADH,(W,N)-Hoteelka Ritz Carlton ee magaalada Riyadh oo ahaa mid ka mid ah hoteelada ugu raaxada badan ee heerka boqortooyo ayaa waxa hadda loo badalay xabsi lagu hayo boqolaal shaqsiyaad isugu jira amiiro boqortooyada ka tirsan iyo ganacsato caan ah.
Illaa 200 boqol oo amiiro iyo ganacsato ah ayaa goobtan lagu hayaa, kadib go’aan uu gaadhay dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan, kaas oo sheegay in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa.
Muddo saddex todobaad ah kadib markii hoteelkan uu xabsiga noqday, wali hadal haynta ugu weyn ee Riyadh waa waxa ka jira gudaha hoteelka.
Sidaasi oo ay tahay wax badan lagama oga waxa meeshan ka jira, waxyaabaha soo baxayna waa kuwa aad u yar, balse wararka la’isla dhexmarayo ayaa ah kuwa aad u badan.
Ma jirti qof gali kara ama ka bixi kara albaabada madmadoow, midabka dahabka gidaarada lagu dahaaray ee hoteelka iyada oo aanan la heysanin fasax rasmi ah.
Bartimihii todobaadkii hore ayaa naloo ogolaaday in aan gudaha u galno hoteel xili habeenimo ah, iyada oo ay nala socdaan illaalo booliis ah.
Markii aan galnay hoteelka waxaa na salaamay shaqaalihii hoteelka oo wali adeegoodii iyo marti-soorkoodii iska sii wata. Balse saraakiisha Sucuudiga ee meesha ku sugan wajigooda ma ahan kuwa furfuran, ma ogola in la duubo ama ay wax waraysi ah bixiyaan.
Joogitaanka hoteelka muddo saacado kooban oo ay kugu hareeraysanyihiin booliis ma ahan mid laga fili karo in aad war sugan ka hesho waxa meesha ka jira, balse waxaan ka helnay astaamo yaryar oo wax inoo bidhaamin kara.
Waxaan kaliya maqlaynay canaan iyo handadaad ka dhacaysa gudaha, ma jirto qof madaxa kor u qaadaya, waxa kale ood maqlaysaa shaah iyo qaxwo la shubayo.
Yaa meesha ku jira?
Markii dadka meeshan ku jiray lasoo xidhayay ma ahayn kuwa faraxsan, aad ayayna uga xumaadeen markii si qasab ah meesha lagu soo galiyay, sidaas waxaa noo sheegay nin sheegtay in uu ka mid yahay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa.Waxaa meesha ku sugan mas’uul ka suga xafiiska dacwad oogaha guud iyo wax lagu sheegay ururka xuquuqul insaanka madaxa banaan, waxa ay xog naga siinayaan waxa meesha ka jira, balse shuruudda waxa ay tahay in aanan qofna magaciisa xiganin.
Waxaan weeydiinay sababta halkan loogu soo xidhay dadka, jawaabtuna waxa ay ahayd “Waxaan ka cabsanay in qaarkood ay baxsadaan, sidaas darteed ayaan gudaha usoo galinay” ayaa nalagu yidhi.
Ma jiro liis dowladda kasoo baxay oo si rasmi ah u sheegaya kuwa ay dadka meesha ku jira kala yihiin, hase yeeshee magacyada kuwa ugu caansan ayaa soo shaacbaxay waxaana ka mid ah ninka taajirka ah ee Amiir Calawiid Binu Talaal kaas oo saamiyo ku leh shirkadda Twitter, Apple, hoteelka Four Seasoon iyo Hoteelka Savoy ee London.
Amiir Mitab Binu Cabdullaahi oo dhaxalsugaha ay ilmo adeer yihiin ayaa ka mid ah kuwa meesha ku xidhan, mar ayuu madax ka ahaa ciidammada illaalada dalka.
Xadhigga raggan heerka sare ah ayaa waxa ay keentay in loo fasirto in ay tahay mid ku saabsan dagaal siyaasadeed iyo loolan ka dhaxeeya boqortooyada.
La dagaalanka musuqmaasuqa
Labadii sano ee lasoo dhaafay, koox uu magacaabay dhaxalsugaha ayaa waxa ay uruurinayeen cadeymo la xidhiidha fal dambiyeedyo musuqmaasuq ah, kooxdana waxa ay ku hawlgalaysay si hoose oo aysan cidna dareemaynin. Cadaymaha qaarkood ay hayaan waxa ay la xidhiidhaan kuwa tobonaan ka sano ka hor ah.Markii digreeto boqor lagu magacaabay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, waxa ay markiiba qaadeen talaabooyinkooda.
Su’aalaha ku saabsan sharciyadda loo maray talaabada dadka lagu soo xidhdhiray ayaa waxaa jawaab lagaaga dhigayaa in xafiiska dacwad oogaha uu yahay mid madax banaan.
Garsoorka Sucuudiga waxa ay kuu sheegayaan in waxa socda ay yihiin baadhitaano horudhac ah oo kaliya, islamarkaasna dadka la weeydiinayo in ay soo celiyaan lacagihii ay xadeen.
“Waa nidaam sahlan, qofka waxaan tusaynaa cadaymaha aan ka heyno, waxaanan weeydiinaynaa in uu soo celiyo lacagtii uu dhacay” ayuu yidhi sarkaalka ka socda xafiiska dacwad oogaha guud.
Hoteelka waxaa ku xidhan illaa 201 qof, intooda badana waxa ay doonayaan in arrintan xal loo helo, meeshana ay ka baxaan.
Waxaa hawsha socota ka qeybqaadaya khubaro ka tirsan wasaaradaha dowladda, sida maaliyadda, bangiyada, iyo caddaalada, kuwaas oo shaqada ku jira 24 saac si ay u fududeeyaan baadhitaanka iyo xal u helista mashaakilka taagan.
Illaa 500 qof ayaa ka diiwaangashan in ay hoteelka ka shaqeeyaan, waxaana xitaa ka mid ah shaqaale caafimaad oo daryeel u fidinaya maxaabiista meesha ku jirta.
Illaa hadda 7 qof oo maxaabiista ka mid ah ayaa la fasaxay kadib markii sida la sheegay wax dambi ah lagu waayay. Illaa 4% dadka meesha ku xidhan ayaa ku adkaysanaya in dacwadooda ay la tagayaan illaa heer maxkamad, balse 95% inta soo hadhay waxa ay diyaar u yihiin in ay heshiis galaan, lacagta loo heystana ay ku shubaan bangiga dhexe ee Sucuudiga.
Nin ganacsade ah oo reer Riyadh ayaa noo sheegay in uu arkay dokumeendi ay ku qoranyihiin 1,900 sanduuq oo bangi, kuwaas oo la xayiray lacagihii ku jiray.
Waxaa jira warar ka hadlaya in lacagaha la xaday ay gaadhayaan 800 bilyan oo doolar, balse markii aan arrintaas wax ka weeydiinay saraakiishii aan kula kulanay Hotel Ritza Carlton ayaa waxa ay ku jawaabeen “xitaa haddii aan ka helo $200 bilyan, waa wax fiican”.
Sarkaalkan oo ka tirsan guddiga baadhitaanka ee gaarka ah ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay koob qaxwe ah oo uu cabayay “hadda koobkan qiimihiisa dhabta ah waa $10 doolar, balse waxaa laga dhigay $100 doolar”, wuxuu sidoo kale tusaale usoo qaatay dhismooyin qabyo ah oo iskuulaad iyo Cisbitaalo ah kuwaas oo qarashka ku kacaya laga dhigay boqol milyan oo doolar, balse kharashka rasmiga ah uu kaas aad uga yaryahay.
Dadka meesha ku jira qaarkood waa gaboow, waxayna qabaan xanuuno kala duwan, sidaasi darteed waxaa hoteelka laga furay xarun caafimaad oo ay joogaan shaqaale caafimaad.
Ma ahan wax adag in aad dareento cadhada iyo niyad jabka meeshan ka jira.
Dadkii mar saameynta badan ku lahaa boqortooyada ayaa hadda xabsiga ku jira iyaga oo aanan raali ka ahayn.
Balse saraakiisha aan halkan kula kulanay waxa ay sheegayaan in 99% dadka Sucuudiga ay ku faraxsanyihiin talaabada ay dowladda qaaday.
Dadka meeshan ku jira dhibaatada ugu badan ee ka cabanayaan ayaa waxaa ka mid ah in aysan hoteelka ka helin cuntooyin dalab gaar ah oo laga keeno dalal kale sida Ruushka oo kale, balse wax kasta oo ay rabaan oo kale waa ay ka helaan meeshan.
Taleefoonadooda waa laga qaaday, waxayna kaliya isticmaali karaa taleefoono hoteelka ku rakiban oo sababo kooban loo adeegsan karo.
Waxaa kale oo loo ogolyahay in ay soo booqdaan dadka ay isku shaqada yihiin si ganacsiyadooda ay u kala socdaan.
Dadka soo booqanaya waxa ay hoteelka kasoo galayaan albaabka dambe, sidoo kale marka ay doonayaan in ay emailo dirsadaan waxa ay sidaas samayn karaan marka ay fasax u helaan.
Jidhiska iyo madadaalada sida heesaha iyo muusiga ayaa loo ogolyahay dadka meeshan ku xidhan.
Si kastaba ha ahaatee meeshani waa xabsi, balse ma aha xabsiyadii caadiga ahaa ee dadka lagu ciqaabayay, dadka ku xidhana waxa ay heystaan wax kasta oo lagu raaxaysto , laguna faakideysto.
XIGASHO,BBC