WAJAALE NEWS

Warbixin: Seddax Arrimood Oo Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Kaga Duwan Tahay Kuwii Hore

Hargaysa(W,N)-Doorashadan Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ee shalay dhacday waxay kaga duwantahay dhawr arimood Doorashooyinkii Hore.

 

Somaliland waxay doorashooyiin qabaneysay tan iyo 2002-dii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in lix Gobol ay codeyn ka dhacday.

Qalab casri ah

Doorashadan 13-ka Nofembar ee 2017 waa middii ugu horaysay oo codbixiyayaasha ay heleen kaadhadh ay ku codeeyaan oo hab casri ah u shaqeynaya.

Sidoo kale qalab teknolojiyad ah ayaa loo adeegsaday dooorashada kaas oo sawir ka qaadaya isha qofka codeynaya, si aan kaadhka loo been abuurin.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay in qalabkaas casriga ah ay uga hortagayaan wax isdabamarin iyo in qof uu ku codeeyo kaadh Aanu lahayn.

Waxaa kaloo doorashadani tahay tii ugu horeysay ee ay ku tartamayaan saddex murashax oo cusub oo Aanu ka mid ahayn madaxweynaha hadda xilka haya.

Madaxwayne Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku takhasusay dhaqaalaha ayaa go’aansaday in uu xilka banneeyo ka dib markii hal xilli uu hayay.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muuse Biixi oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya Xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya Xisbiga UCID.

Tiradii ugu badnayd ee codbixiyayaal

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada guud ee Codbixiyaasha.

Qiyaastii 704,000 oo codbixiye ayaa u diiwaan gashan guddiga, codbixintii shalayna waxaa ka qeyb galay tiradii ugu badnayd.

Goobaha codeynta ee doorashadii shalay ayaa gaadhaya 1,642, taas oo aad ugu badan kuwii Doorashooyiinkii hore.

Tirada Codbixiyaasha rasmiga ee Gobollada  Somaliland waxay kala yihiin:

 

 

Exit mobile version