Hargeysa(W,N)-Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in hore loo soo dhigay xafladii xil wareejinta labada madaxwayne ee xilka la kala wareegaya ee kala ah madaxwaynaha xilka kasii dagaya Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxwaynaha xilka la wareegaya Muuse Biixi Cabdi,kadib markii sida xoguhu tibaaxeen uu dalabkaasi codsaday madaxwaynaha xilka kasii dagay Axmed Maxamed Siilaanyo.
Xoguhu waxay tibaaxeen in xaflada xil wareejinta laga dhigay 7 bisha December waa sida ay xoguhu tibaaxeen,balse labada dhinac ee madaxwaynayaasha xilalka la kala wareegaya midkoodna kama hadal mana shaacin wakhtiga ay xilka la kala waregayaan oo ku astaysan 14 bisha December sharigu sida uu dhigayo.
Dhinaca kale waxa xoguhu daaha ka faydeen in ay hawl galeen guddi labada dhinac ka kooban oo kala ah madaxwaynaha xilka kasii dagaya Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxwaynaha xilka la wareegaya Muuse Biixi Cabdi,waxaana ay wadaan qaban-qaabada xaflada xil wareejinta.
Sababta lagu sheegay in xaflada laga asoo horumariyo wakhtigeedii ayaa lagu sheegay dalab ka yimi dhanka madaxwaynaha xilka kasii dagay Axmed Maxamed Siilaanyo.
Shacabka Somaliland gaar ahana magaalada Hargeysa ayaa goobaha la iskugu yimaadeen isku waydiinay su’aalo ay kamid tahay marka madaxwayne Siilaanyo xilka wareejiyo ma kusii nagaan doonaa Somalilnd mise waxa uu u dhoofi doona dalka Ingiriiska?.