WAJAALE NEWS

Jasiiradda Bali Ee Dalka Induniisiya Oo Halis Ugu Jirta Folkaano

Hargaysa(W,N)-Mas’uuliyiinta dalka Induniisiya ayaa feejignaantii ugu sareysay geliyay jasiiradda loo dalxiiska tago ee Bali sababo la xidhiidha cabsi laga qabo in folkaana uu halkaasi ka qarxo.

Waxaa gebi ahaanba la xidhay garoonka kaliya ee ku yaalla jasiiraddaasi.

Waaxda qaran ee maareynta masiibooyinka ayaa sheegeysa in folkaanaha buurta Agung uu hadda ku dhow yahay in uu qarxo, waxaana maadooyin shiilan la arkay iyaga oo ka burqanaya afka folkaanaha.

Daruur ka samaysan uumi ka baxay folkaanaha ayaa gaadhay joog gaadhsiisan 4,000 oo miitar

Mas’uuliyiinta ayaa dadka ugu qaabay in 12 kilo mitir aysan u soo dhaafin buurtaasi.

Boqolaal kun oo qof ayaa la geeyay guryo ku meel gaadh ah.

Folkaanaha buurtaasi ayaa markii ugu dambeysay qarxay sanadkii 1963, waxaana xilligaasi ku dhintay 1600 oo qof.

 

Exit mobile version