WAJAALE NEWS

Hooyo Inanteeda Uga Tagtay Warqad Dardaaran Ah Oo Ay Dad Badan La Qiiroodeen

Gabadh da’yar ayaa la wadaagtay bulshada warqad qalbiga taabanysa oo ay u qortay hooyadeed ka hor inta aysan dhiman.

 

Erayada ku qornaa warqadaa ayaa taabtay qalbiyada dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Hooyadan oo lagu magacaabo Peggy Summers ayaa warqadan u qortay gabadheeda oo 18 jir ah iyo walaalaheed ka hor inta aysan u dhiman cudurka Kansarka nooca Kiliyaha ku dhaca gobolka Indiana ee dalak Mareykanka.

Warqada oo ka kooban waano ku aadan dhanka waxbarshada iyo xidhiidhka ayaa waxaa barta Twitter-ka lagu sii wadaagay in ka badan 90,000 jeer ,iyada oo erayada warqada ay ka gariiriyeen dad badan guud ahaan caalamka.

Warqadan qiirada leh ayaa ku bilaabatay : “Hannah,haddii aad akhrinaysid warqadan markaas qalliinka ma guulaysan,waan ka xumahay waan isku dayay in an ka guulaysto cudurkan balse alle ayaa ii haya wax kale oo aan sameeyo.”

Warqadda ayaa ku boorinaysa Hannah in ay iskuulka ku dadaasho iyo in ay wanaajiso xidhiidhka ka dhaxeeya iyada iyo aabaheed.

“U Samir aabahaa,taasi waxa ay noqon doontaa mid ku adag isaga waxa uuna u baahnaan doonaan wakhti .”ayay ku tidhi warqada.

Peggy ayaa sidoo kale gabadheeda u sheegtay: “U sheeg qof waliba in aad jeceshahay.

“Ku raaxayso noolsha,maalin walibana ku xisaabtam sidii in ay tahay maalinkaagii ugu dambeeyay sababtoo ah ma jirto cid inaga mid ah oo og in maanta ay tahay maalinkii ugu dambeysay noolashiisa.”ayay tidhi Peggy .

Hannah ayaa BBC u sheegtay in akhrinta warqadani ay ahayd mid aad u adag : “waxa aan dhammaanteen akhrinay habeenkii ay hooyo dhimatay ,waxa ayna ahayd mid qiiro leh” ayay tidhi.

Kumannaan qof oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku tilmaamay warqadan ay Peggy uga tagtay gabadheeda mid xikmad ku dheehan tahay.

 

 

Exit mobile version