WAJAALE NEWS

Goobihii Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland Oo La Xidhay, Tirinta Codadka Oo Bilaabantay Iyo Barihii Bulshada Oo Hawada Laga Saaray

Hargeysa(W,N)-Goobaha Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa goor dhawayd la soo xidhay ka dib markii ay dhamaatay wakhtigii loogu tala galay inay dadweynuhu codka dhiibtaan.

 

 

Goobaha ay ka socotay Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa haatan waxa si rasmi ah uga bilaabmaya tirinta codadka ay dhiibteen shacabka Somaliland ee kala dooranayey Murashaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeen ee Xisbiyada Qaranka Somaliland.

Dhinaca kale waxa goor dhawayd hawada laga saaray baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook iyo WhatsApp, Mesenger iyo kuwa kale, iyada oo laga cabsi qabo in lagu baahiyo warar la xidhiidha natiijada doorashada oo been abuur ah.

 

Exit mobile version