Hargaysa(W,N)-Dawladda Rwanda ayaa ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.
Arrintan ayaa dabasocota muuqaal uu toddobaadkii hore baahiyay telefeshinka CNN, kaas oo muujiyay rag la xaraashayo si beeraha loogu fasho.
“Taariikhdayada markaan Eegno, kama aamusi karno iyadoo banii’aadan si xun loola dhaqmayo, loona xaraashayo sida lo’da oo kale, ayay tidhi wasaaradda arrimaha dibadd ee Rwanda.
Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sannad walba iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan.
Badanaa waxaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qabsaa in ay shaqeeyaan iyaga oo lacag yar la siiyo ama bilaash ku shaqeeya.
Markii uu socday xasuuqii Rwanda ee 1994tii, dad lagu qiyaasay 800,000 oo ah qawmiyadda Tutsi-ga iyo Hutu-gii qunyar socodka ahaa ayaa lagu xasuuqay 100 maalmood gudahood, markaas oo dalalka badankood aysan wax badan u qabanin.
“Sida dunida inteeda kalaba Rwanda waxay aad uga xumaatay muuqaallada laga soo duubay masiibada Liibiya ka dhacaysa, halkaas oo rag Afrikaan ah, dumar iyo carruur muhaajiriin ahaa lagu hayo loona baddalay addoomo,” ayaa lagu qoray warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Liibiya.
Wasiirradda Arrimaha dibadda Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay in Rwanda ay tahay dal yar balse ay dadkaas boos u raadin doonto.
Wargeyska New Times ee dawladda la haya ayay u sheegtay in Rwanda ay wadahadallo kula jirto Midawga Afrika sidii xaaladdan loo farigalin lahaa ee ay dib u dajinna ugu samayn lahaayeen dadkaas.