BURCO(W,N) Wararka aanu ka helayno magaalada Burco ayaa noo xaqiijiyay in ay mardhawayd ay magaalada Burco ka bilaabmay mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeedo wax isdaba marin ay xubnaha xisbiga wadani uga wakiilka ah ku eedeeyeen komishanka doorashada taasi oo ay sheegeen in lagu sameeyay codbixintii loogu dareeray doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 13-kii Noofember,
Dhawaqa rasaasta ayaa hadda laga maqlayaa gudaha magaalada Burco,taas oo ay ridayaan ciidamada Booliska Somaliland isla markaana ay ku kala dareerinayaan shacabka mudaharaadaya.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUDOHARADAYAASHA ISKUGU SOO BAXAY JIDADKA MAGAALADA BURCO