WAJAALE NEWS

Ciidamada Milatariga Oo Lasoo Dhoobay Wadooyinka Magaalooyinka Burco Ceerigaabo Iyo Laascaanood+Xaaladihii Ugu Danbeeyey Ee Magaalooyinkaasi

Hargeysa(W,N)-Iyada oo goordhow la filayo in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo dareeray 13-kii Bishan November ayaa wararka nasoo  gaadhaya waxay sheegayaan in ciidamo Milateri ah oo tiro badan lagu soo daadiyay wadooyinka magaalooyinka Ceerigaabo,Burco Iyo Laascaanood.

 

Waxaana ciidamadan ay taagan yihii iskoys kaste oo wado ah,iyaga oo qaar kamid ah ciidamadaasi gaaf wareegaya gudaha magaalooyinkaasi.
Ujeedada ciidamadan xoogan loo soo dul dhigay magaalooyinka Burco,Laascaanood iyo Ceerigaabo ayaa salka ku haysa ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland oo la filayo in goordhaw lagu dhawaaqo,taas oo laga cabsi qabo in ka dhashaan rabshado lagaga soo horjeedo ku dhawaaqistaasi.

Ciidamadan lagu soo daadiyay wadooyinka ayaa argagax galiyay shacabka ku nool magaalooyinkaasi,xaaladda guud ee magaalooyinkaasina waa mid dagan oo waxba ka jirin,balse lama garanayo sida xaalku noqon.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version