Hargaysa(Wajaalenews)abaaro saaka sagaalkii subaxnimo waxaa saaka ka dhacay magaalada Kalabaydh oo ka tirsan degmada Gabilay shil gaadhi naxdin leh kaas oo sobobbay dhimashada afar ruux halka dhaawucuna kor u dhaafay ilaa 7 ruux ka dib markii ay isku dheceen labo gaadhi oo kala ahaa Noah iyo gaadhi layli calaawi ah.
Dadkan dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray
1-Marxuum Biixi oo kaalin ku lahaan jiray magaalada Kalabaydh iyo wiil ay walaalo yihiin oo gaadhi la saarnaa
2- Marxuum Axmed Sheekh Maxamed Muxumed Buux oo degenaa isla magaalada kalabaydh
3-marxuum Aw Gaab oo ahaa gudoomiyaha degmada Kalabaydh
Magacyada dadka ku dhaawacmay shilkan ayaanay noo suuro galin in aanu helno magacyadooda balse shilkan ayaa ahaa mid naxdin leh oo saaka laga dareemay magaalooyinka galbeedka Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee shilalka ka dhaca Somaliland ayaa waqitigan noqday kuwo u badan dhinaca gobolada galbeedka iyada oo ay xusid mudan tahay in sanadkii hore shil noocan oo kale ah ka dheceen oo ay ku nafwaayeen 12 ruux taas oo ay ugu wacan tahay wadada halbawlaha u ah isku socodka magaalooyinka Boorama,Wajaale, Gabilay iyo caasimada oo gabi ahaanba burbursan kana qodmeen godad waawayn.