WAJAALE NEWS

War-Deg-Dega-Wasiir Ku-Xigeenkii Wasarada Boosaha Oo La Baxsaday Gaadhi Ay Wasaaradu Layd Iyo Ciidanka Booliska Gacanta Ku Soo Dhigay

Hargaysa(W,N)-Wararka hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka Shabakada Wararka Wajaalenews in Wasiir Ku-xigeenkii Wasaarada Boosaha Cali Maxamuud Cali uu la baxsaday gaadhigii Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Wasiir Ku Xigeenkan Ayay ciidamada amaanku ka war heleen xili uu ka sii baxayay kaantaroolka tuulada Haleeya ee bariga magaalada hargaysa isaga oo damacsanaa in uu la fakado gaadhiga ay wasaaradu lahayd isla markiina ciidamada booliska ayaa gacanta kusoo dhigay isaga iyo gaadhigiiba.

 

Dhinaca kale maanta ayay ahayd markii uu iska casiley Xilkii uu ka hayay Xukuumada  isagoo ay weheliyaan xubno kale

Kala Soco Shabakada Wajaalenews Wixii Warara Ee ka Soo Kordha.

 

 

Wariye: Xamse Jirde Axmed

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

 

 

Exit mobile version