WAJAALE NEWS

Tiradii Ugu Badnayd Ee Foolka Maroodiga Oo Sanadkan La Qabtay

Hargaysa(W,N)-Waxaa sanadkii la soo dhaafay daafaha dunida lagu qabtay tiradii ugu badneyd ee foolka maroodiga ee sida sharci darrada ah looga ganacsado.

 

Hasayeeshee dhanka kale waxaa hoos u dhacay ugaadhsiga maroodiga, sida lagu sheegtay warbixin cusub oo soo saartay hay’adda CITES oo ah hay’ad caalami ah oo maamusha ganacsiga dhirta iyo xayawaanka sii dabar go’aya.

40 ton oo foolka maroodiga ah ayaa la qabtay, hasayeeshee ugaadhsiga maroodiga ee guud ahaan qaaradda Afrika ayaa u muuqda in inta badan deegaanada uu ka sii dhammaanayo.
Qaaradda ayaa tobankii sanno ee la soo dhaafay waxa ay ugaadhsiga maroodiga ku waysay 111 kun oo maroodi.

Warka fiican waxaa uu yahay kaddib toban sano oo ay sare u kacaysay ugaadhsiga maroodiga ee qaaradda Afrika, heerkii loo dilayay foolka maroodiga hoos ayay u dhacday, gaar ahaan Afrikada bari, oo iyadu kala bafh maroodigeedii ku wayday ugaadhsigaas tobankii sano ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee xayawaankan weli qaaradda waa lagu dilaa, tirada maroodiguna hoos ayay u sii dhacday, sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay hay’ad maamusha ganacsiga dhirta iyo xayawaanka sii dabar go’aya oo magaceeda loo soo gaabiyo CITES.

Waxay sheegtay in 40 tan oo foolka maroodiga ah la qabtay saandkii hore taas oo ah tiradii ugu badnayd ee abid gacanta lagu dhigo, lagana yaabo inay taasi ku timid wacyi gelin wanaagsan oo dadka loo sameeyay iyo sharciga oo si fiican loo dhaqan geliyay, laakiin waxaa kaloo ugu wacan foolka maroodiga wax yar ayaa halkii marba la dhoofiyaa.

Waxaa jirtay kororsiimo tirada foolka maroodiga ee lagu qariyay farsamooyin macdanno la qoray sida dahabka iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika, halkii foolka maroodi oo caadi ah loo dhoofin lahaa qaaradda Aasiya oo ay sahlan tahay in dhexda lagu qabto.

Xoghayaha guud ee hay’adda CITES, John Scanlon, waxaa uu sheegay in dadaalka wada jirka ah ee caalamka uu bilaabayo inuu midho dhalo, laakiin waxaa uu intaas ku daray in weli aanay gaadhin halkii ay rabeen.

Exit mobile version