WAJAALE NEWS

Somaliland Oo Markii U Horeysay Laga Hirgaliyey Kaadh-Ka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Oo Ku Samaysan Smart Card

Hargaysa(W,N):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Shirkada GTS ayaa si rasmiyah u daah-furay Mashruuca Casriyeynta kaadhka dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, kaasi oo ay iska kaashanayaan xukumadda Somaliland iyo shirkadda GTS.

Munaasibadan loo qabtay Daah-furka kaadhka dhaq-dhaqaaqa gaadiidka oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda hawlaha guud ee Somailand waxa ka soo qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Warshadaha, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Guddoomiyaha Ururka Macdaarada Dalka, Masuuliyiinta Shirkada GTS iyo Marti sharaf kale oo munaasibadaasi lagu soo casuumay.

Ugu horeyntii waxa munaasibadaaasi ka hadlay Agaasimaha Shirkada Global  Tech Solution(GTS) Mr Khaalid Sheekh Muxumed waxaana uu ka waramay Maraaxilkii uu soo maray Mashruuca casriyeynta buuga gaadiidku ,sida xogta kaadhkan lagu heli karo iyo faaidada uu u yeelan doono qaranka waxaana uu yidhi:-“Barnaamijkani runtii buugii oo kaliya oo aynu casriyeynay maaha balse waxa la socda system ,kaas oo u sahli doona dawlada iyo laamaheeda in ay helaan xog rasmiya ,markii hore diiwaan-galin waynu haysanay balse muu lahayn system runtii aynu ku baadhi karno ,gawaadhidiina lagu kala ogaan karo, waxa kale oo aynu casriyeynay buugii gaadiidka kaas oo aynu ka dhignay kaadh noqonaya wadamada kooban ee caalamka runtii hirgaliyey”

Khaalid Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in mashruucan ay kala shaqeeyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud waxaana uu ka sheekeeyey habkan iyo sida uu shaqaynayno waxaana uu yidhi mar kale:-“ Waa smart Card yeelanaya toddobada Security features oo ay ugu horreyso Chip oo macluumaadka gaadhiga ee muhiimka ah iyo qofka mulkiilihi ku kaydsan yahay , waxa kale oo uu kaadhku yeelan doonaa 3D foilhologram oo runtii aan ka masaxmi doonin oo kaadhka ku dhex jirta, waxa kale oo u suurto-galaysa sarkaalka eegaya saxnaanshaha kaadhka  kaas oo uu ka eegi karo xagga dambe ee kaadhka , waxa kale oo xaggaas gudaha ku jira oo haddii toosh lagu qabto UV sheegi doona calaamadii Somaliland, haddii aan ka hadlo sida loo ogaan karayo  waa hab runtii aad iyo aad u fudud ,telifoonada nooca ugu hoseeya ayey saraakiisheena taraafikadu runtii ay ku eegi kartaa waxa kale oo lagu eegi karaa Aplication aanu u samaynay oo runtii ku xidhan habkan oo meel kasta oo xafiis jiro ay galin karayaan numberka gaadhiga ka dibna ay helayaan xogtii gaadhiga oo dhammaystiran.”

Guddoomiyaha Ururka Macradlayaasha Dalka MUDANE: Maxamed Yuusuf Aadam oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa si weyn u soo dhaweeyey mashruucan oo uu ku tilmaamay in dal ahaan aynu si aadah ugu baahneyn isagoo soo jeediyey wax ka baddelka lagu sameeyo taarikada gaadiidka ee dalka.

Shariif Abokor Maxamed Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyey ayaa ku tilmaamay in mashruucani yahay mid aad muhiim ugu ah qaranka maadaama oo uu gaadiidku ka mid yahay waxyaallaha aynu aadka u adeegsano ,sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo habka uu u shaqaynayo si looga taxaddiro wixii ka iman kara, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada qaranku waxa uu kale oo uu sheegay in shirkadda GTS ay ku guulaysatay mashruucan iyada oo aanay jirin cid kula tartantay.

Taliyaha Ciidanka Nabbad-galyada Waddooyinka Somaliland GAAASHAANLE SARE : Faysal Xiis Cilmi oo hadal ka jeediyey Munaasibadda daah-furka kaadhka dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan mashruucan, ka ciidan ahaana ay diyaar u yihiin fulintii wixii ka aadan mashruucan.

Wasiirka Maaliyada Somaliland MARWO Sam-Sam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi hadal kooban oo dulucdiisu ahayd faa’idada mashruucan ka jeedisay ayaa sheegtay in habkani wax weyn ka beddeli doono sida loo maareeyo dhibaatooyinka ka dhasha gaadiidka,isla-markaasna aynu u baahanahay in aynu dal ahaan ku shaqayno si aynu ula jaan-qaadno wadamada adduunka.

Ugu dambayn Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (CALI-MAREEXAAN) oo shaaciyey daah-furka wax ka beddelka kaadhka dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ayaa sheegay in mashruucani yahay casriyeyn lagu sameeyey buuga gaadiidka ,kaas oo beddel u noqon doona buuggii hore ee muddada dheer la isticmaalayey , waxa kale oo uu wasiirku sheegay in kaadhkan cusubi uu door weyn ka qaadan doono arimaha Dhaqaalaha iyo Amniga dalka.

Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu si aadah ugu mahadceliyey Shirkadda Mashruucan fulinaysa GTS isaga oo xusay shirkadani ay maamuli doonto mashruucan , halka wasaaradda hawlaha guuday maamulka guud yeelan doonto.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

 

Exit mobile version