WAJAALE NEWS

Saacadaha Soo Socda Oo La Filayo Natiijada Baadhitaanka Qaraxii Muqdisho

Muqdisho,(W,N) – Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay soo bandhigaan natiijada baadhitaanka qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha hay’addaha Amniga ayaa la sheegay in ay soo gabagabeeyeen xog uruurinta Qaraxii Zoobe, saacadaha soo socdana la wadaagi doonaan warbaahinta.

Ciidamada ammaanka Somaaliya ayaa gacanta ku dhigay dad kala duwan oo la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen qaraxa, waxaana dadkaas ka mid ah rag la sheegay inay damiinteen gaarigii xamuulka ahaa ee qaraxa fuliyay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay mas’uuliyada Qaraxa Al-shabaab, laakiin Al-shabaab waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan Qaraxaas.

Exit mobile version