Hargaysa(W,N)-Ibtilada haysata boqollaal kun oo qof oo ah muslimiinta Rohingya ayaa la sheegay inay tahay mushkiladda qaxooti ee dunida ugu xawliga badan.
Inay u badheedhaan khatar xagga badda ah ama lug ah, ayaa in ka badan nus malyan waxay ku kalliftay inay ka cararaan burburka guryahooda iyo dilka ka socda waqooyiga gobolka Rakhine ee Myanmar (Burma) oo ay u qaxaan Bangladesh tan iyo August,
Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay duullaanka Rakhine ee dhaliyey qaxa xoogga leh inuu la mid yahay “tusaalayaasha buugaagta ku qoran ee isir sifaynta”.
Milateriga Myanmar wuxuu sheegay inuu la dagaallamayo mintidiinta Rohingya, waxayna beeniyeen inay bartilmaameedsanayaan rayid.
Yey Yihiin Rohingya?
Rohingya oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa hal malyan billowgii sannadka, waxay ka mid yihiin qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee dalka dega. Muslimiinta Rohingya waxay ka dhigan yihiin aqlabiyadda muslimiinta Myanmar, ayadoo badidood ay ku nool yihiin gobolka Rakhine.
Waxay leeyihiin luqaddooda iyo dhaqankooda u gaarka ah, waana durriyaddii ganacsatadii carbeed iyo kooxihii kale ee gobolkaas imaan jiray jiilal badan ka hor.
Laakin xukuumadda Myanmar oo ah dal ay u badan yihiin dadka haysta diinta Buddha ayaa Rohingya u diiday dhalashada dalka, waxayna xataa ka reebeen tirakoobkii la sameeyey 2014, ayagoo diiday inay dad ahaan u aqoonsadaan.
Tan iyo sannadihii 70-meeyadii waxay u soo haajireen gobolkaas ayagoo tiro badan ah. Qiyaasaha la hayo ayaa badidood ka badan tirada rasmiga ah.
Dhowrkii sano ee ka horreeyey qalaalaasahan ugu dambeeyey, kumanaan Rohingya ah ayaa galayey safarro khatar badan oo ay Myanmar kaga baxayaan, si ay uga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadhaysa shacabka ama xadgudubyada la sheegay inay kula kacaan xoogagga amniga.
Maxay u cararayaan?
Qaxa ugu dambeeya ayaa billowday 25 August, markii mintidiinta Rohingya ee loo yaqaanno Arsa ay weerareen in ka badan 30 goobood oo booliska saldhigyo u ahaa.
Dadka Rohingya ee imaanaya deegaanka loo yaqaanno Cox’s Bazaar – oo ah degmo ku taalla Bangladesh – ayaa sheegaya inay ka soo carareen askarta oo ay taageerayaan dad cadhaysan oo Buddhist ah, kuwaasoo jawaabta ay bixinayeen ay ahayd inay tuulooyin gubaan, dad rayid ahna ay weeraraan oo ay dilaan.
Amnesty International waxay sheegtay in milateriga Myanmar ay dileen boqolaal Rohingya ah, ayna kufsadeen oo ay faraxumeeyeen dumar iyo gabdho.
Xukuumaddu waxay sheegaysaa in “hawlgalka lagu nadiifinayo” mintidiinta uu dhamaaday 5tii Sebtember, laakin wariyeyaasha BBC waxay arkeen caddaymo muujinaya inay sii socdeen taariikhdaas ka dib.
Ugu yaraan 288 tuulo ayaa qayb ahaan ama gabi ahaan dab lagu burburiyey waqooyiga Rakhine wixii ka dambeeyey August,2017, sida uu muujinayo muuqaal dayax gacmeed lagu qaaday oo ay sii deysay Human Rights Watch.
Muuqaalka ayaa muujinaya meelo badan oo ay ku yaalleen tuulooyinka Rohingya oo baaba’ay, halka tuulooyinka kale ee Rakhine ay yihiin kuwo aan la taaban.
Baaxadda Burburka
Human Rights Watch waxay sheegtay in burburka badankiis uu ka dhacay magaalada Maungdaw muddadii u dhaxaysay 25 Agos – 25 Sebtember, halkaasoo tuulooyin badan lagu burburiyey wixii ka dambeeyey 5 Sebtember, markii hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, ay sheegtay in hawlgalkii ciidanka amniga uu dhamaaday.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xaaladda Rohingya ay tahay “mushkiladda qaxooti ee ugu xawliga badan dunida”.
Ka hor August.waxaa jiray ilaa 307,500 oo ah qaxooti Rohingya ah oo ku jiray xeryo sida ay sheegayso UNHCR.
Qaxootiga gaadhay Bangladesh badankood – kuwaasoo isugu jiray rag, dumar, iyo carruur aan waxba sidan – ayaa goobahaas ka raadsaday meelo ay galaan, waxayna teendhooyin ka samaysteen meelaha suurto galka ah ee ku yaalla dhulkaas adag, iyagoo aan haysan gargaar macno leh, biyo la cabo, cunto, hoy, ama daryeel caafimaad.
537,000 ee ah qaxootiga yimid tan iyo August.58% waxay ahaayeen carruur, halka 60% dadka qaan gaadhka ahna ay dumar ahaayeen.
Xerada ugu weyn waa Kutupalong, laakin nafiska oo ku yar dartiis ayey xeradu ku fidday dhulka miyiga ah ee u dhow.
Halka xerada Kutupalong ay fidday min 13,901ilaa 20,000 tan iyo August, ayaa dadka ku nool cooshadaha ama deegaannada dibadda ka ah xerada waxay kor u kaceen min 99,495 ilaa 311,225.
Goobaha kale ee gobolka ayaa iyaguna balaadhay. Bartamihii October 2017 waxaa jiray 14 goobood oo ay ku jireen 10,000 oo qof.
Waxaa kaloo jira 145,651 ku noo xeryaha dibadooda.
Maxay samaysay Beesha Caalamku?
Baahida gargaarka loo qabo ayaa ah mid weyn.
720,000 oo caruur ah ayaa u baahan gargaar bani’aadminimo sida ay UNICEF sheegayso.
$434 malyan oo dhaqaale ah ayaa loo baahan yahay si Qaramada Midoobay ay jawaab uga bixiso lixda bilood ee soo socota.
900,000 oo ah talaalka daacuunka ayaa la diyaariyey, kuwaasoo qayb ka ah ololaha talaalka.
500 oo tan oo gargaar ah ayaa xagga cirka lagu gaadhsiiyey.
Cambaarayn isa soo taraysa ayaa loo jeedinayey ficillada xukuumadda Myanmar, laakinse waxaa laga aamusay in laga hadlo xayiraad.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa weydiistay Myanmar in ay joojiso dhibaatada, laakin wax xayiraad ah laguma soo rogin.
Maraykanku wuxuu weydiistay ciidamada Myanmar inay ixtiraamaan isku xukunka sharciga, dagaalka ay joojiyaan oo ay soo afjaraan barakicinta rayidka ka tirsan qowmiyadaha oo dhan.
Shiinuhu wuxuu sheegay in beesha caalamku “taageerto dadaalka ay Myanmar ku dhowrayso deganaanshaha horumarka dalkeeda”.
Bangladesh waxay qorshayanaysaa inay dhisto meelo badan oo ah hoy ay galaan qaxootiga oo ku yaalla Cox’s Bazaar, waxayse kaloo doonaysaa inay dhaq-dhaqaaqooda ku xaddiddo goobaha loo asteeyey.
Myanmar waxay ka codsatay dadka barakacay inay xeryo KMG ah ka raadsadaan gobolka Rakhine, laakinse waxay intaa ku dartay in Myanamar aysan ogolaan doonin in ay soo noqdaan dhamaanba dadkii u qaxay Bangladesh.
Guddiga Masiibooyinka degdegga ah ee UK ayaa qaaday codsi uu ku doonayo dhaqaale lagu caawiyo qaxootiga iyo qowmiyadaha ay dul dageen ee ay culayska ku yihiin. Ra’iisul wasaare Theresa May waxay kaloo sheegtay in loo baahan yahay in falalka milateri ee Rakhine ay istaagaan. UK waxay joojisay casharradii ay siin jirtay militariga Myanmar.
Wariye: Xamse Jirde
Xigasho, BBC Somali