WAJAALE NEWS

Faah-faahin Ku Saabsan Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,(W,N) –Qaraxan oo ahaa mid si wayn looga wada maqlay qeybaha ay ka kooban tahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaare balaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lagu bartilmaameedsaday Hotelka Safari ee KM 5 gaar ahaan Isgoyska Zoobe oo ah goob aad u mashquul badan.

Wali waxaa la maqlayaa rasaaas ay ridayaan ciidamada dowladda somaaliya  oo gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale waxaa goobta gaadhay gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta ka qaadaya dadka ay wax yeeladu soo gaadhay.

 

 

Dab xoogan ayaa sidoo kale ka kacay agagaarka Isgooska Zope gaar ahaan goobo shidaalka lagu iibiyo, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay xidhay ciidamada amaanka kuwaa oo u gurmanaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaadhay qaraxa.

Tirada dhimashada wali war sugan lagama hayo, hasse ahaatee waxaa la rumeysan yahay in ay jirto dhimasho baahsan marka la eego xadiga uu lahaa qaraxu iyo goobta uu ka dhacay oo aheyd meel aaad u mashquul badan dadkuna ku badnaayeen..

 

 

 

Exit mobile version