WAJAALE NEWS

Shirka Aqoonyahanka & Waxgaradka Deegaanka Arabsiyo Oo Dhawaan Lafilayo In Uu Qabsoomo Iyo Dhaq Dhaqaaqyo Siyaasadeed Oo Uu Ka Abuuray Gobolka Gabiley.

ARABSIYO (W,N) Aqoonyahan, Waxgaradka iyo dhalinyarada Degnada Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley ayaa lafilayaa dhawaan in uu shir uga furma beeraha ku yaala isla Magaalada Arabsiyo, kaasi oo wararka aanu ka helaynaa xuseen in uu shirkani kulmin doono indheer garada deegaanka ee u kala nool gudaha Somaliland iyo dalka dibadiisa, iyadoo arimaha shirkan lagaga wada hadli doono ay xogahan tibaaxeen in ugu wayntahay sidii beesha uga tashan lahayd aayaheeda iyo sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa isku xidhnaanta bulshada, waxbarashada iyo wax soo saarka dalaga beeraha oo ay hodan ku tahay bulshada reer arabsiyo.

Dhanka kale  bulshada ku dhaqan degmada Arabsiyo Ayaa Siwayn Usoodhawaysay shirkan iyadoo gudaha magaalada aad ku arkayso boodhadh waawayn oo laga taagay iyo sidoo kale meelaha ay Dadwaynuhu iskugu yimaadaan oo hadalhaytiisu  iyo doodiisu kasocoto

 Shirkan ayaa lagu Wadaa in uu maalmaha soo socdo furmo iyadoo aanay ka maqnay In lagaga hado arimaha siyaasada ee xiligan taagan iyo dabcan sidi oo xoojin lahaa mawqifka ay dawynaha reer arabsiyo ka qaateen xukuumada kulmiye oo ay hore uga dhaqaaqeen Waxaana laga cabsi qabaa in shirkan ay carqaladi kaga timaado maamulka gobolka gabiley oo iyagu sas ka qaday dhaq dhaqaaqyada siyaasdeed ee xiligan ka bilowday degmada arabsiyo.

 

WAJAALENEWS DESK

ARABSIYO OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version