WAJAALE NEWS

Qayb Ka Mid Ah Qalabka Lagu Maamulayo Hawada Soomaaliya Oo Xadhiga Laga Jaray

Muqdisho,(W,N)– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa maanta  xadhigga ka jaray isticmaalka qeyb kamid ah qalabkii loogu talagalay in lagula socdo saadaasha hawada.

Munaasabadda xadhiga lagaga jarayay qeybtan cusub oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta wasaradda,guddiga gaadiidka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu qalabkani qeyb ka yahay maamulka Hawada Soomaaliya,isagoo maanta si rasmi ah uu xadhigga uga jaray qalabkaasi oo si gaar ah u qaabisan qeybta Saadaasha Hawada.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka Caalamiga ah ee ICAO ayaa dhawaan kala saxeexday heshiis ku saabsan in si deg deg ah Muqdisho loogu soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya, muddo kabadan 25 sano kadib tan iyo burburkii dowladii  Soomaaliya.

Exit mobile version