WAJAALE NEWS

Kaartadii Sayidka Lagu Jabiyey W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ciidanka baddu wuxuu ka koobnaa saddex markab oo kala ahaa: Arka Royal oo Masar laga keenay, Odin iyo Cliyo. Ciidanka cirka oo ka koobnaa 8 diyaaradood.

Naqshadii Dagaalka ee Ingiriiska

Ciidankan lugta ahi wuxuu u qaybsanaa saddex qaybood, sida hoose ku qoran:

Ciidanka koowaad waxa loogu talo galay in uu Dhuur Cillaan ka ambabaxo oo Ceel-afweyn maro oo Mirashi iyo xaruntii beegsado

Ciidan waxa loogu talo galay in uu badda maro, kadib Laas qoray ka dego, kana baxo oo qalcaddii Badhan galo, daraawiishtana dhanka Bari ka xidho hadday isku dayaan in ay u qaxaan.

Ciidanka baddu wuxuu ka koobnaa saddex markab oo kala ahaa: Arka Royal oo Masar laga keenay, Odin iyo Cliyo. Ciidanka circa oo ka koobnaa 8 diyaaradood.

 

Tirada Ciidanka  Iyo Hubkooda

Koox diyaarado ah (D.H.9) oo haysta lix mashiin oo kayd ah, loona yaqaaay xubinta “ Z” oo ka tirsanaa ciidankii cirka ee Boqortooyadd  Rakuubley Soomaali ah oo sita 700 oo Buntukh

Urur isugu jira lixaad iyo labaad ee ciidankii Buntukhleyda afrika ee Boqorka” Kings African Rifles”, oo sida 700 Buntukh.

Askar laga soo ururiyey Qabaa’ilka Soomaalida oo aan joogto ahayn, 1,500, iyo 300 oo ilaalo ah.

 

Bilowgii Dagaalka

9/1/1920 ayey ciidankii koowaad oo lug ah iyo diyaarado tageen Dhuurcillaan oo laga sameeyey saldhig weyn iyo garoon bannaan, oo diyaaraduhu ka duulaan. Ciidanka Badda maraakiibtii iyo ciidankiiba waxa ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo Laasqoray , si ay halkaasi ugu rartaan gaadiid loo sii diyaariyey. Ciidankii Burco fadhiyey wuxuu u dhaqaaqay Kiridh. Guud ahaan ciidamadaasi waxa lagula ballamay inay 20/1/1920 keeb la yuurur ahaadaan, weerarna diyaar u ahaadaan. Ingiriisku wuxuu hore u joojiyey inaan wax dad ahi u kala saocon labada dhinaca ee Sayidka iyo Deegaanada Ingiriisku gacanta ku hayey, taasina waxa ay keentay in aanu Sayidka iyo Daraawiishtiisu waxba kala socon dagaalkan Ingiriisku ku soo qaadayo.

 

Qorshaha duqayntu wuxuu ahaa inay diyaaraduhu duqaynta bilaabaan maalmaha 21, 22 iyo 23 ee bisha Jeenawari ee sannadkii 1920-kii. Duqaynta bartilmaameedkiisuna uu noqdo goobaha lagu tuhumayo in uu Sayidku joogo iyo ragga Daraawiishta madaxda u ah. Halka ciidanka Badduna u weeraro qalcaddii Galbari-buur oo badda Xiis iyo Maydh ku foorarta, ka dibna ay u gudbaan Laasqoray. Ciidankan Laasqoray waxa sidoo kale loogu talagalay inay qabsadaan Badhan. Duqayntii diyaaradaha waxa ay ku bilaabmatay qalcaddii Galbari-buur, oo ragii ilaalinaayey oodda lagaga qaaday Bambooyin ka soo dhacayey diyaaradaha. Ka dib waxa galay ciidankii lugta, waxaana bilaabmay dagaal toos ah. Ragga Daraawiishta ahaa ee difaacayey qalcaddu waxa ay ku dagaalamayeen mitidnimo iyo geesinnimo, markii kii ugu dambeeyey la diley ayey qalcaddii Galbari-buur u gacan gashay ciidankii Ingiriiska.

 

Diyaaradihii oo Sayidka Duqeeyey

Sayidka iyo boqollaal Daraawiishtiisii ah oo goor subar ah fadhiya meel xaysin ah oo daar laga dhisaayey, oo togga Midhashi dantiisa koonfur ah ayey Bamkii ugu horreeyey ku riday diyaaradii. Nin Sayidka la taliye u ahaa oo dawladda Turkigu Sayidka u soo dirtay oo la fadhiyey ayaa ku yidhi” Sayiddii diyaarad weeyi ee meesha innaga kici.” Bambkii diyaaraduhu soo ridayeen wuxuu halkaasi ku diley dad 30 qof lagu qiyaasay, oo ay ka mid ahaayeen Sayidka adeerkii oo la odhan jiray Caamir-cagoole iyo nin kale oo la odhan jiray Afqarshe. Mid ka mid ah diyaaraadihii ayaa wareegii labaad ee duqaynta ay koox Daraawiish ahi rasaas la heleen, ka diban waxa ay ku dhacday Ceeldheer, inkastoo Ingiriisku sheegay inay u dhacday cillad xaga mashiinka ah. Sayika iyo dadkii la joogay waxa ay u carareen daartii la dhisaayey.

 

Markii jahawareer ku dhacay Daraawiishtii, Sayidkii iyo raggii gaadhka u ahaa, waxay galeen godka “XEELA”, oo ahayd meel albaab kaliya oo laga galo leh, dusha sarena ka daboolan. Laakiin cabsi darteed ayay xamili waayeen godkii waanay ka soo baxeen.

Habeenkaasi xaruntii waxa ka qaxay rag badan oo madaxdii daraawiishta ah, waxa laga xusi karaa; Ismaaciil Mire, Xirsi Cartan, Xirsi Jeedlade iyo Ducaale Ileeye. Waxa ay isla qaateen daraawiishtii in dagaal toos ah  aan la awoodi Karin, laakiin naf-ku-dirir lagu dagaallami karo. Goobtu waa buur joog sare ah, sidaa darteedna la hareerayn karo lana go’doomiyo karo. Ka dib waxa ay ku tashadeen inay u qaxaan Nugaal. Sayidkii iyo wixii la socday ayaa ka baxay Xeela, iyaga oo faras wata ayay u kaceen dhinaca iyo Taleex.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Somaliland

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005.

 

Exit mobile version