WAJAALE NEWS

Cudurada faafa;Qalinkii Sh, Jaabir Herbalist.

Sida ugu haboon ee aadamuhu kula dagaalami karo cudurada waxaa ka kow ah ka hortagisata intaanay dhicin cuduradu khaasatan kuwa faafa .

Darlyeelka caafimaad ee lagu xakamaynayo cudurada khaasatan kuwa faafa ee u kala gudba qof ilaa qof waxa uu si wayn ugu baahan yahay iskaashi ay u yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshadu.

Hadii ay noqoto dhaqaatiir iyo hadii ay noqoto xukuumada iyo shacabba waa mid lagama maarmaan ah in gacmaha la isku qabsado sidii loogu istaagi lahaa kawada shaqaynta guud ee caafimaadka isla markaana loo xakamayn lahaa wixii cudur ah ee soo wajahan ama jiraba.

Dadaalada la wado oo sare loo qaado ayaa ah kuwan lagu gaadhi karo kaguulaysiga cuduro badan, sida joogtada ah ee bulshadeena soomaliland xukuumad iyo shacabba ugu guntadaan had iyo jeer wax ka qabadka umuuraha daruuriga ah sida caafimaadka iyo kuwo kale oo la mid ah waxay u baahantahay in la koriyo si sare loogu qaado horumarka la rabo in la gaadho si anynaan ugu sifoobin xigmada tidhaa wallee reer anaa ogaa ma guuro.

Qormadan caafimaad ee maanta waxaan ku xusaynaa sida ay daruuriga u tahay nadaafadu marka laga hadlayo cudurada faafa.

Waqtigan casiraga ah sida ay bulshooyinka caalamka ku dhaqani uga faaiidaystaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah ka shaqayntoodu markastana u baahan in si joogto ah looga shaqeeyo waxay ku dadaaleen sidii ay isku raacraacin lahaayeen shaqooyin badan oo daruuri ah maalinkasta taasi oo shaqoba shaqo ay hoos imanayso si uu u yaraado adeega balaadhan ee shaqo kastaa goonideeda ugu baahan tahay.

Sida ay yeelaan wadamada soo koraya ee aan wada dabooli karin baahiyahooda maalinlaha ah waxay baryahan dambe sare u qaaday in laga gudbo caqabado badan oo ku xeernaa horumarka waxyaabaha daruuriga ah sida caafimaadka oo kale.

Weerarka joogtada ah ee cuduradu ku hayaan bulsho kasta oo ku dhaqan aduunka ayaa ah mid lawada ogyahay inuu joogto yahay, khaasatan cudurada faafa.

Sidaa darteedbaa aan loo baahnayn in foojignaanta ay umadi taas uleedahay seexato, si goordhaw aanay dhibaato culus oo hadii laga hortagi lahaa fududaan lahayd usoo darsin iyadoo u baahan xal wayn iyo shaqo badan.

Daryeelka nadaafadeed ayaa ah kan u baahan in la joogteeyo waqti walba iyo goob walba si meesha aanu usoo huluulan cudur nooc kasta ha ahaadee, waayo meel hadii nadaafadi ka baxdo cudurbaa soo daga, marka aad aragto qashin waxaad aragtaaba waa dullin iyo duqsi, sida marka dambi aad aragtaba shaydaan u yimaado waayo waxba waxbay kuusoo jiidaan.

Sida la ogyahay waxaa jirta in shaydaanku doorwayn ka ciyaaro faafinta cudurada si ka badan doorka uu jeermisku ka ciyaaro khaasatan marka uu shaydaanku kuu geeyo xaaraan inaad gasho, taasi oo nadaafada ay iyadu u baahantahay noqonayso toobad keen iyo waxii oo aanad dib ugu noqon si aad nadiif usii ahaato, qodobkanina waa mid u baahan in lagu darsado wacyi galinta bulshada dhanka is xakamaynta marka la eego si loo helo bulsho ka nadiif ah cudur iyo shaydaan,waxaa iyadna xusid mudan in foojigo loo lahaado ama lagasii tabaabushaysto waxii cudur ah ee soo fool leh sida dadka xajka kasoo noqonaya oo laga baadho waxii xanuun ah ee caalami ah ee jira sida hargab doofaar. Inagoo illaah ka baryayna inay dadkeenu inoo soo noqdaan iyagoo wada caafimaad qaba, balse meesha ku darsanayna in sidii markii ay xaramka tageenba loo baadhay ee loo talaalay hadana markay soo noqdaan la baadho waa daruuri, iyadna

xili roobaadka oo dhulka aan ku dhaqanahay keeno biyo fadhiisimo waawayn ayaa ah mid wax kaqabad u baahan inta aanu roobku di,in iyo kolka uu da,oba, waxaana ay taasi kahortag u tahay cuduro inay ka dhashaan khaasatan kuwa faafa, waayo ma damaanad qaadi karno in caruurteenu ku ciyaarto biyahaas dabadeedna afkooda ay galaan halkaasna uu ka dhasho shuban faafa iyo cuduro kale.

Iskaashiga guud ee ka shaqaynta deegaanku waa mid aanay cid kali ah gudan karin waajibkiisa, balse u baahan kawada shaqayn iyo iscaawin, hadii laba aqal oo kastaa ay hagaajiyaan dhexdooda runtii waa hawl ay qabsadeen dalkoodana ka qabteen.

Isku beega aan sheegnay ee shaqooyinka laga dhexaysiin karo waxaa hada la ogaaday ama hore loo ogaa laakiin maanta lagu talaabsaday, in shaqada maalinlaha ah ee koobani noqoto mid laga dhaxaysiiyo dhawr ariimidood oo walaaloobi kara sida waxbarashada iyo caafimaadka oo kale, taasi oo xidhiidhka labadaas ka dhexayn kara aan tusaale usoo qaadan karo in waxbarashada ardayda lagu daro xiisad waxbarasho oo joogto ah ama guubaabo caafimaad oo joogto ah sida ilaalinta ardayda nadaafadooda, taasi oo aanay ahayn wax cusub balse aan dhaqan usoo lahayn mudo in la ilaaliyo ardayga nadaafadiisa gacmaha bal inuu cidiyaha iska guray iyo in kale bal inuu wasikh faraha ku leeyahay iyo inkale, inuu ardaygu cadayday iyo inkale sada ay tahay nadaafada dharkiisa buugtiisa jidhkiisa iyo kuwo kale waxaana ardayga intaas oo sax wada ah lagu arki waayo lagu ganaaxi jiray halkaas.

Tii oo maanta inagu yaraatay ayaa noqonaysa mid sare u qaaday caafimaad darrada haysata bulshada, sidaa darateed maadaama ay maanta waxbarashadeena xaga cilmigu horumartay waa inay jiraan waxyaabo kale oo la koraya oo caafimaadku kamid yahay si aan u gudano waajibaadkeena mar kaliya,goobkaliya taasi oo dugsi kastaa ka qayb qaadan karo goonidiisa inuu uga shaqeeyo bulshada badhka uu gacanta ku hayo waliba badhkii ugu muhiimsanaa oo ubadkii ah si caafimaadku muhiimka uu leeyahay loogu barbaarsho ilmaha koraya, loogana hor tago cudurada khaasatan kuwa faafa oo caruurta ku badan, waxaana waajib ah in masuuliyiinta waxbarashadu indho dheer u lahaadaan ardaygooda buka iyo kooda caafimaadka qaba, si aanay u ogolaan in cuduradu jaanis u helaan farahana uga baxaan.

Taasina waxay noqonaysaa talaabo hore loogu qaaday sida saxda ah ee looga baahan yahay inuu qofkasta oo bulshada kamid ahi halkiisa ku ilaasho, waajibka kasaaran dareeyeelka caafimaadka iyo kaantaroolka cudurada faafa.

Waxaana maanta tilmaam gooni ah leh iskuulada leh dhaqtar u qaabilsan fayo dhawrka guud ee dugsigooda kaasi oo si joogto ah ama teelteel ah u mara ardayda dugsiga, si uu wixii kiis caafimaad ah ee jira ugula socdo gacantana ugu hayo.

Ugu dambayntii waxa ay cudurada faafaa u baahan yihiin dhinac ugasoo wada jeedsi iyo in lagu barbaraarsho bulshada koraysa muhiimka ay leedahay taasi si loo helo mustaqbalka dhaw isha allaah bulsho ka cuduro yar tan maanta nool ee aan nasiibka u helin in bilawgeedii nolosha ay la kowsato daryeel caafimaad oo cilmi ku salaysan isla markaana la jaanqaada nolosheeda kale.

Sh.jabir herbalist….

4436071 hargeisa DCB

Exit mobile version