WAJAALE NEWS

Faah-faahin Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac

Muqdisho,(W,N) –Ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro ka badan 15 ruuxna ku dhaawacmeen qarax xoogan oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen dad shacab ah oo saarnaa gaadhi caasi ah iyo kuwa kale oo marayay heeraha waddada kaddib markii uu goobta ku qarxa gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wariye tagay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay meydadka ilaa 7 ruux, hasse ahaatee dhimashada ayaa hadda la gaadhsiinayaan 10 ruux oo rayid ah, iyadoo gaadiidka gurmadka deg dega ah mashquul ku yihiin qaadista dadka ay wax yeellada soo gaadhay qaraxa.

Exit mobile version