WAJAALE NEWS

Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Dablay Hubaysani Ku Dileen Magaalada Laascaanood

Hargeysa(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood soona gaadhaya xafiiska Warqabadka Shabakada Wararka Wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ay dabley hubaysani ku dileen gudaha magaalada Laascaanood.

Waxaana dableydan hubaysan ay ahaayeen kuwo ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga,waxaana ay dableydani soo gaadheen Kaantaroolka magaalada Laascaanood,waxaana ay ciidamada Boolisku isku dayeen inay is daajiyana gaadhigii lagu waday Maandooriyaha Khamriga,waxaana ay dableydani markiiba rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Kaantaroolka,halkaasna waxa ku dhintay askarigaasi.

Dableydan ayaa markii ay dilka gaysteen waxay ka baxsadeen goobtii,waxaana ay ciidamada Boolisku wadaan baadhitaano ay kusoo qabqabanayaan dableydaasi.

Sidoo kalena ciidamada Booliska gobolka Sool ayaa hawl gallo ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen 8 nin oo hubaysnaa,kuwaas oo ciidamadu ay kasoo qabqabteen degmada Xidh-xidh ee gobolka Sool,waxaana lala xidhiidhinayaa inay taageero iyo caawimo siinayeen dableydan askariga dilay.

Maaha markii u horeysay ee askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Sool lagu dilo.

Exit mobile version