WAJAALE NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska Maanta.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxeexdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bilaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo wareegaan.

Man City ayaa diyaar u ah iney rikoodhka aduunka u jabiyo lana kulanto lacagaha lagu jabin karo heshiiska Lionel Messi ee dhan 275 Malyan oo Pound. (Yaahoo Sport).

Maamulka Citizens ayaa la kulmi doona wakiilada Messi si ay ugala hadlaan suuragalnimada uu xidigaan reer Argentina ku imaan karo Etihad Stadium. (Daily Record).

Arsenal ayaa ka dalbatay garabkeeda reer England Chamberlain oo 24-jir ah inuu saxeexo heshiis afar sanadood ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 125 Malyan oo Pound si ay u faduuliso xiisaha Chelsea. (Daily Star).

Kabtanka Barcelona Andres Iniesta oo 33-jir ah kaas oo heshiiskiisa Barca uu dhacayo xagaaga soo soo soda ayaa qiray inuusan doorbideyn joogitaanka Camp Nou. (El Pais).

 

Barcelona ayaa qarka u saaran iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiska Jean Michael Seri kaas oo 26-jir ah iyagoo rajeynaya iney ka garab ciyaarsiiyaan Coutinho xilli ciyaareedkaan. (Mundo Deportivo)

Chelsea iyo Ac Milan ayaa wali ku jira loolanka weeraryahanka Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo 28-jir ah doonayana inuu ka tago kooxda. (Radio Montecarlo).

West Ham United ayaa ku dhaw iney dhameystirto saxeexa 25-jirka reer Portugal William Carvalho kaas oo kaga imaanaya Sporting Lisbon. (Sky Sports)

Manchester United ayaa rajeyneysa in 35-jirka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic uu saxeexo heshiis cusub oo kusii heyn kara Old Trafford 12-bilood inta lagu jiro isbuucaan. (ESPN).

 

 

Exit mobile version