WAJAALE NEWS

Waa Sidee Xalada Dalka Kenya ? + Warbixin Arintaas Ku Saabsan.

Hargeisa(WJN):-Sii hayaha xilka wasiirka arimaha gudaha Kenya, Fred Matiang’i, ayaa shacabka dalka ugu baaqay in ay dib u bilaabaaan nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa ka dib doorashadii madaxtinimada ee lagu murmay ee madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guulaystay.

Matiang’i wuxu sheegay in dalka badankiisu xasiloonyahay laakiin ay jiraan qulqulatooyin googoos ah oo uu sheegay in ay wadaad kuwo qas wadeyaal ahi.

Wuxu sheegay in booliska difaaci doono dadka rayidka ah iyo hantidooda, waxaanu ugu baaqay in dadku si masuuliyad ku dheehantahay u adeegsadaan baraha bulshada.

Ilaa hadda waxa wararku sheegayaan in saddex qof ay boolisku k dileen meelaha ay ku badanyihiin taageerayaasha musharaxii mucaaradka ee Raila Odinga

Taageerayaasha Kenyatta ayaa wadooyinka magaalooyinka ku dabbaal degayey, halka meelaha ay ku badanyihiin taageerayaasha musharaxii mucaaradka, Raila Odinga, ay ka dhaceen mudaharaaddo.

Booliska ayaa lagu soo waramayaa in ay sunta dadka ka ilmaysiisa ku rideen dad ku mudaharaadeyey xaafado ku yaal magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada galbeedka dalka ku taal ee Kisumu.

Kenyatta ayaa shacabka ka codsaday xasilooni waxaanu sheegay in aanay cidna dan u ahayn in lagu noqdo qulqulatooyinkii dhacay doorashooyinkii 2007-dii oo kale.

Qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii 2007-dii waxa ku dhintay in ka badan kun qof waxaana u bara kacay nus malyuun qof oo kale.

Hase yeeshee ilaa haatan ma uu hadal Raila Odinga.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: ABDIQADIR HABANE

Exit mobile version