Muwaadin Talo Dhaxal Gal ah Usoo Jeediyay Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waxay Daaran Tahay?
Ku: Maayirada Magalooyinka Somalilanr Gaar Ahaan Maayirka Caasimada Hargeisa ,Mudane Abdirahman Mohamoud Aideed
Ujeeddo: Soo Gudbin Fikir Danta Guud ah:-
Mudane Maayir.
Aniga oo ah Captain Mohamed Abdi Yonis Oo Ka Mid ah Dhalinyarada ku nool caasimada Hargeisa,Waxaan mudane maayir iidinka Mahadcelinaynaa adiga,Xildhibanada Golaha Deeganka Hargeisa &Hawl-Wadaneeda D.H.H Sida firfircoon ee aad u dhisteen Wadooyinka Caasimada Hargeisa iidinka oo dhigayaa Laami Tayo Leh Isla Markaana Istecmalaysan Qalab Casriga Ee D.H.H.
Waxaan Si Qadarin Mudan Iidinku soo Gudbinayaa Fikir aan Is leeyahay Baahiyo Imaan Doona Ayuu Wax Weyn ka Tari Doona Waana Sidan :-
- . Intaan La Dhigin Laamida Casriga ah Ee Caasimada Hargeisa In 20KM/3OKM -Ba Loo Sameeyo 3 Dhuumood oo nooca Dhexe ah Isla Markaana isku jira 3M.
Waxaana Loo Istecmaalayaa:-
1.Dhuunta Qasabadaha Biyaha & Kaagaga
2.Dhuunta Xadhkaha Laydhka
3.Dhuunta Xadhkaha Telephonada & Inter-net
○Faa’idooyinka 3 Dhumood Ee La Hoos Dhigaayo Laamida Casriga Ee ay Hirgeliyan Golaha Deeganka Hargeisa :-
▪Waxay Badbaadinaysaa In Marka
Loo Baahdo In Laamida Laga talaabiyo
Qasabadaha biyaha,Xadhkaha Laydhka
Xadhkaha telephanada & Inter-netka
Maadama Mustqbalka dhow Laga
Wareegi doona xadhkaha cirka mara
Lana marin doono dhulka si ay
Bilicada caasimada u badbaado
▪Ina la Dumiyo Wado Casri ah Oo Xoog
Xoolo ayay nagaga baxeen ay badbaado
U noqon doonan 3 dhuumood.
Madaama 1KM ku Baxdo Lacag Badan
▪In Labada Dhuumood Ee Telephonada
,internetka & Dhuunta Laydhkaba
Istecmaali Doona Laga qaadi doono
Caashuur shirkadaha bishii ama Sanadkii Oo
Dakhli Cashuureed Soo gelin Doonta
D.H.H.
▪Dhuunta 3aad Waa Dhuun La dhex
Marinaayo qasabadaha ama Kaaga
Oo bulshada u baahan,dhuuntana
Waxay la jaan-qaadaysa Mashruuca
Biyo Baladhinta Caasimada
Waana Dhuutani waa Bulaash
Madaama baahi dadweyne tahay
Awgeed,Waxan Mamuli doonta
Waakalada Biyaha Hargeisa Farsamo ahaan
Mudane maayir , Waxaan Si Qadarin &Maamus Leh kaaga Rajeynayaa In aad Fikirkan Ka Midho Dhalin Doonto. Isha allah.
N.B:Waxaan Ku Soo Lifaaqay qoraalkan Shaxda Talada Ee Dhuumaha la Hoos Marinaayo Laamida casriga ah.Shaxdana Sida Ugu Dhakhasaha Badan Ayaan ku soo gudbin Doona Isha allaah.
Allaa Mahad Leh
Captain Mohamed Abdi Yonis Daljire
Hargeisa ,Somaliland.