WAJAALE NEWS

Musuq Maasuq Culus Oo Ragaadiyay Biyo Galintii Tog-Wajaale Iyo Fashilaada ku Timid Dhameystirkooda!! Warbixin

MAXAA KEENAY IN Uu fashilmo Mashruucii biyo Galinta Tog Wajaale iyo Bilowga Xubnihii Sherlayda Oo Lacagahoodii kala Baxaya !!

Tog-Wajaale (W,N)- Fashilaad culus ayaa ku dhacdey Mashruucii Biyo galinta Tog-Wajaale oo hawlgalkiisu socdey mudo lix sano ku dhawaad ah kaas oo la sheegay in ay ku baxdey lacag dhan laba milyan oo lacagta adag ee Dollarka Mareykanka ah kaas oo dalabka Madhruuca Biyo galintaasi la dhameeyay Xiligii Xukuumadii Hore islamarkaana uu ahaa qorshe Beesha Caalamku Somaliland kaga caawineysay Magaalooyinka Hargeysa iyo Tog-Wajaale.

Guud ahaanba Mashruucan fashikaadiisa ayaa lagu war helay kadib markii ay lacago saami ah dib uga qaateen Wadaado ganacsato ah oo markii hore usoo diyaar garoobay gacan ku haynta Biyaha Tog-Wajaale oo ay doonayeen in ay qeyb ka noqdaan nidaamkii Partenshipka si ay hadhow dadweynaha uga iibiyaan.

 

Waxaaney tibaaxayaan Wararka fashilaada Mashruucan Biyo galinta Tog-Wajaale dhameystirkoodu nidaamka ay dib ugula noqdeen kooxdaasi markii hore ku talagalkoodu ahaa in ay Ganacsi ka dhigaan Biyaha Tog-Wajaale ayaa guud ahaanba dib uga qaatey lacagihii ay ku galeen Shuraakada Biyaha taas oo iyaduna ogaanshaheedu rajo xumo ku abuurey Shacbiga Reer Tog-Wajaale oo mudo sanado badan ah udhegtaagayay in ay maruun ka haqab bixi doonaan Biyo la.aan ay maalinba maalinta ka dambeysa usii ggu. tirsanayeen.

HALKAN KA AKHRI HAAYADAHA  MASHRUUCAN KA QAYB QAATAY LACAGTA AY KU BIXISAY UNICEF;

 

Inkastoo aaney mudooyinkan dambe Maamulada halkaa jooga wax cabsi ah ka qabin Xukuumad ku daba joogta arimaha aasaasiga  u ah adeegyada Bulshada iyo sida looga hawl gali lahaa in tixgalin lasiiyo danta Guud kama muuqato inla daneynayo hawshaasi arimo kale mooyee haseyeeshee waxa il cawriyeed guud ahaanba danyarta kunool Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale oo Biyo la.aantu mar walba ku hayso farabaas.

 

Degmada Tog-Wajaale oo ay ku nool yihiin Bulsho kala duwan oo aan ka yareyn afartan kun oo qoys oo Biyo la.aantu ku hayso dhibaatooyin Caafimaad iyo nololeed waxa ay Wali maanka ku hayaan sidii loogu naadinayay In loo soo wado biyo ay kaga haqab bixi doonaan Biyo la.aanta ragaadisey halka Magaalada Tog-Wajaale ee Dhinaca Itoobiya ka cabto Ceel biyood loo qodey kaas oo ay habeen iyo maalinba marti u yihiin danyarta Dhinaca Somaliland ee aan awoodin in ay ka iibsadaan Booyadaha biyaha u soo waarida qoysaska ladan.

HALKAN KA AKHRI GANACSATADII SHERARKA KU LAHAYD BIYO GALINTA WAJAALE OO LACAGAHOODII KALA BAXAY;

Waxaana xaqiiqdii dhibaato adag ku haya cabitaanka ay ka cabaan caruur iyo Ciroolaba Biyaha baliyada ee Roobabka guga kasoo gala baliyadaasi dhinaca Togga kuwaas oo ay had iyo jeer kawada cabaan Xoolaha,Dugaaga iyo dadkuba.

Reer Tog-Wajaale gaar ahaana danyartu waxey ugu Xirsi xidheen Biyo la.aanta ay lamaca noqdeen Sanad walba in aaney Eebe cid kasokeysa u irkan taas oo ay kaga dhursugayaan nabsi maalku Geediga hayinkuu ku guuraa.

Exit mobile version