WAJAALE NEWS

Maamulaha kastamka Wajaale Oo ka Badheedhay In uu Cashuur Dhaaf Sharci Darro ah u Sameeyo Sharaabka Coca Colaha Ee Yimaada Dalka Itoobiya,

Maamulaha Kastamka Wajaale Oo Sheegay In Uu Fasax U Haysto Musuq-Maasuqa Iyo Xeeladaha Uu Ku Lunsado Cashuurta Lacagta Adag Ee Dalku Baahida Wayn U Qabo

 Maamulihii Hore Ee Kastamka Wajaale Xasan Maxamuud Cawaale ( Cawke ) Ee Shaqada Maamulka kastam wajaale sida Khadlan looga  qaaday Oo Cadaalad Darro Darteed Ka Mid Noqday Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee G/Gabiley Wacadna Ku Maray In Uu Xukuumada Kulmiye Xillka Ka Tuuri Doono!

TOG WAJAALE(W,N) Tann iyo Maalintii Wasaarada Maaliyadu Dariiqa Cadaalada ka fog ay ku soo Magacawday Maamule kuxigeenkii hore ee Kastamka Wajaale oo hada ah maamulaha Kastamka Axmed Xasan Jaamac,(Maal) ayaa  waxaa Maalin Maalinta ka dambaysa si Xawli ah sare ugu kacay Musuq-maasuqa iyo ku takri falka Dakhli cashuureedkii ka soo xeroon jiray Kastamka Wajaale, iyadoo Hanaanka Maamul ee Wasaarada Maaliyada si wayn loogu dhaliilay  Jidka ay u martay Magacaabistiisa.

Iyadoo Wasiiradda Maaliyadu Maalin ku beegan 23/8/2015 Maamule iyo Maamule ku Xigeen ay mar soo magacawday

Halka   Maalin Taariikhda ku beegan 1/2/2016 xilkii laga qaday maamulihii iyadoo Maamule ku Xigeenkii u Dalacay Maamulaha Kastanka Wajaale, taasi  shacabka somailand eek u dhaqan gobolada galbeedku dhacdadan ku tilaameen mid ka fog cadaalada iyadoo maamulihii hore dhaxal siisay in Cadaalad darro darteed uga mid noqday Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee G/Gabiley, iyadoo Dadka dhaliila Siyaasada Wasiirada Maaliyada ay ku macneeyeen in Talaabada ay qaaday Muujinayso heerka ay ka Taagan tahay Maamulka .

Maaamulaha Kastamka Wajaale oo ah Masuul hore ugu kacay Musuq-maasuqa Xukun Ciqaabeedka Xadhiga ahna ku mutaystay Xukuumadii Madaxwayne Cigaal, ayaa noqday Shaqsi ka badheedha in uu gabi-ahaanba Cashuur dhaaf u sameeyo Kookaha Dalka Itoobiya ee Dalka soo gala .

Sidoo kale Maamule Kastamka Wajaale waxuu ka badheedhay in uu Qasnad gaar ah u samaysto Dakhli Cashuureedka Lacagta Adag ee hore uga soo xeroon jirtay Kastamka Wajaale, waxaanu si Badheedh ah ugu celceliyaa sida ay sheegeen xubno ka dhow dhow in uu yidhaa anigu waxaan Fasax u haysytaa in aan waxaan doono sameeyo .

Sidoo kale waxaa Hanaanka Maamul ee Wasaarada Maliyada lagu Arkayaa Maamule Kastam oo ka Awood badan Maamulayaasha Dhigiisa ah iyo Masuuliyiinta ka saraysa ee Wasaaradda Maaliyada oo aan ka amar qaadan ,

iyadoo Muddo Laba Sanno ah oo Maamulaha Kastamka  Wajaale Xilka hayay Axmad Xasan Jaamac(maal)  ay Cabasho joogto ah u soo gudbiyaan Ganacsatada Badeecadaha kala duwan ka soo dajisa Dalka Itoobiya, iyadoo Qaylo-Dhaanta iyo Cabashadu  ay Buux Dhaafisay Dhagaha Bulshada S/land Bari iyo Galbeedba, balse aan wax Talaabo ah laga qaadin.

Dhagaha ay ka furaysteen Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Maaliyadu.

Mar kale waxaa Bulshada S/land yaabka yaabkii ku noqotay in uu Maamulahani ka Badheedho in uu Cashuur dhaaf u sameeyo dhamaan Sharaabka Soodhaha leh ee ka yimaada Dalka Itoobiya sida Kookaha ITOOBIYA,iyadoo Shabakadda wararka ee wajaalenews.net u kuur gashay Xaddiga Kookaha iyo Sharaabka   ah ee Maamulaha Kastamka Wajaale Cashuur dhaafka Sharci Darrada ah u sameeyo oo Maalintii ka batay 10,000 Kees .

Si kastaba ha ahaatee Xilliga Xagaaga oo Bulsho badan oo Jamhuuriyada Jabuuti ka soo xagaa baxdaa ay yimaadaan Gobolada Galbeedka S/land” sida Magaalooyinka Boorama Wajaale iyo Gabiley, iyadoo Bulshada Jamhuuriyada Jabuuti ay aad u isticmaasho Sharaabka Soodhaha leh ayay Kookaha ugu badan ee laga isticmaalaa noqday Kookaha Dalka Itoobiya.

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version