WAJAALE NEWS

Istaraatijiyadaha Kala fog Ee Waddani Iyo Kulmiye Tee Baa Shaqayn karta? Muj Cali Guray,

Xisbiga Waddani Iyo musharixiisu inta badan waxay bartilmaameedsadaan hebelada magacyadooda la yaqaan ee ama Wasiiro ka noqday xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland. Inta badan waxay urursadaan waxa u badan dad aan siyaasadda xisbiyada ka dhex muuqan jirin balse xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay kuwaasi oo inta badan aanay muddo dheer wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah  lagu arag gebi ahaan saaxadda siyaasadaba ka maqnaa wakhti dheer oo aan saamayn badan ku yeelan karin codbixiyaha maadaama ay siyaasadda ka maqnaayeen mudooyin badan.

Lakiin istraatajiyadda Kulmiye iyo Musharaxiisu way ka duwan tahay ta Waddani oo waxay bartilmaameedsadaan codbixiyaha iyo dadka saamaynta tooska ah siyaabo kala duwan ugu yeelan kara. Degmo kasta iyo tuulo kasta oo uu gaadho musharaxa kulmiye wuxu ula hadlaa si aanu ula hadli karin musharaxa Waddani oo wuxu muujiyaa waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa gaar ahaan uu u leeyahay degaanka dadka iyo dhulka iyo duruufaha u gaarka ah ee aan lala wadaagin iyo dhibaatooyinka u gaarka ah sababaha keenay iyo sida ugu haboon ee xal loogu heli karo. Wuxu gaadhaa ilaa iyo heer uu si toosa ugala doodo arimahooda taas oo ugu dambaysta ku qancisa in musharaxa kulmiye uu yahay shakhsi dadka ka mid ah oo iyaga ka mid ah oo lagu kalsoonaan karo. Markaa labada istraatajiyadood ee labada xisbi ee sidaa u kala duwan tee ayaa ugu dambaysta lagu kasbi karaa tirada ugu badan ee codbixiyaha Somaliland? Waa mafhuum oo ta Kulmiye way shaqaynaysaa ta waddanina ma shaqayn doonto ee way fashilaysaa.

Tan kale shakhsiyaadka xilalka ka quud daraynaya Waddani hadii laga helo doorashada miyay yihiin kuwa Waddani mucaarid ah sii ahaanaya oo u adkaysan kara duruufaha ad adag mucaaridnimada? Maya waayo shakhsiyaad aan wax mabda’ ah ama aragti ah oo ay leeyihiinba aanay jirin ee kursi-doono uun ah kuwaas oo loo yaqaan dawlad-ku-nool inta badanna waa mar ay kursiga ku fadhiyaan iyo mar ay fooda-ku-haye ama wasiir u meero yihiin. Sidaa daraadeed inay xijistaan mucaaridnimada oo Waddani surida la qabtaan wax ka suurtoobi kara maaha shakhsiyaad uu Waddani ka soo jafay gidaaradii ay mudada dheer ku caaryaysteen. Waddani waxay la halmaali karaan oo keliya hadii uu doorashada ku guulaysto oo laga yaabo in kuwana xilal loo dhiibo inta ugu badanina ay xil sugayaal noqdaan iyaga oo laga yaabo in aanay helin hadana ka qancin ee isku shandheen kasta madax la soo kacaan ilaa saacadda ugu dambaysa.

Kulmiye oo hadana mar labaad guulaystay Madaxwaynuhuna uu noqday Muuse Biixi oo si fiican u yaqaan una kala yaqaan inta ergo u soo diran doonta iyo inta lugaha wabsan doonta iyo inta halkii laga soo kiciyay dib ugu noqonaysa wax uga dhexeeya oo kale lagama filayo.

Markaa kuwan uu Waddani buunbuuninayaa hadii ay yihiin kuwa waxtar u noqon kara oo dadku wax u haystaan oocodad u keeni kara waxba may ahaateen. Hadii ay Kuwo xisbinimada Waddani danaynaya oo mabda’ ahaan ugu biiray yihiinna dee dhib iyo dheefba way la wadaagi lahaayeen laakiin runtii maaha markaa waxay ku falayaan ey isugu taxalujinayaan ilaa heerkan iyo waxay u tarayaan anigu weli maan fahmi ee waxa aan is leeyahay way ku khasaareen waanay ku khasaari doonaan ee bal aan eegno halka ay iskala soo dhacaan Waddani iyo xil u meerada dawlad ku noolka ahi,

FAALADII MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

Exit mobile version