WAJAALE NEWS

Ganacsatada Reer Somaliland Ee Xoolaha u Dhoofiya Jabuuti Oo Cabasho Xoogan ka Muujiyay Cashuur Sharci Daro ah oo Lagu soo Goray iyo fariinta ay Udireen Xukuumada .

SAYLAC(W,N) Ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha ka dhoofiya dekedaha dalka jabuuti ayaa maalmihi udanbeeyay si xoogan uga cabanayay  cashuur lagu kordhiyay xoolaha ay kasii cashuuraan kastamka SAYLAC GAAR ahaan Caasho Cado  taasi oo sida ay shegeen neef walba lagu kordhiyay qadar lacageed oo dhan 5.5 dollar halka uu markii hore  neefka geela ah lagu cashurayay 15 kaasi hada laga dhigay 22$ sidoo kale xubnahan ganacsatada ah ee arinta ka cabnayay ayaa sheegay in isla neefka adhiga ah lagu kordhiyay qadar lacageed oo dhan 3$ halka hada laga qado 5.5 dollar

waxana ugu horay ka hadlay arimahan ganacsade cali aadan  wuxu yidhi; waxay dhibwayni naga haysataa wasaarada maaliyada oo na saartay cashuur xad dhaafa taasi oo ay fulinayaan  maamulka kastamka Caasho  cado iyadoon waliba in aan sifiiccan lanoogu adeegin cashuurtan lagu kordhiyayna waxaanu u aragnaa mid sharci daro ah waayo dee wixii tacriifad cashuureeda ee dalka la kordhinayaa waa in si sharci uga wada dhaqan galaan

Hadaanu nahay ganacsatad halka ka cashurata xoolaha waxaanu u aragnaa mid  aan sharci hayn

Dhanka kale xubno kale oo ku hadlayay magaca ganacsata ee xoolaha ugudbiya dhanka jabuuti ayaa fariin dheer u diray xukuumada dhexe taasi oo ay ku dalbadeen in hoos loo eego cabashadoodaa

Halka ay wasaarada maaliyada Somaliland

Waxaan wasaarada maaliyada ka codsanayaa in si dhakhso ah wax looga qabto culayska cashuureed ee lana saaray mana qadi karto waayo waxa cashuur kordhinta noo dheer kulaylka iyo hantiga ka jira xiligan xeebaha oo marwalaba Soboba in xooluhu dhexda naga sii bakhtiyaa khasaarahaasina anaga ayuunbuu nagu kali yahay cida aanu uga baahanaya in xaalkayaga hoos u eegaan waa xukuumada, ayay yidhaahdeen xubnahan ganacsatada ahi,

 

WAJAALE NEWS

BORAMA OFFICE

Exit mobile version