Hargeysa(Wajaalenews)-Fadhigii ay saaka yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay fadhigaasi saaka ku doorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo buuxiyay booskii uu baneeyey gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.
Fadhigan saaka oo ay kasoo xaadireen 67 xildhibaan isla markaana ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa waxay xildhibaanadu cod gacan taaga ku doorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland
.
Jagada gudoomiye ku xigeenka oo ay u tartamayeen 3 xildhibaan oo laba kamid ahi kasoo jeedaan gobolka Awdal halka mid kalena kasoo jeedo gobolka Salel,waxaana ay xildhibaanadaasi kala ahaayeen Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Xassan Hufane iyo XIldhibaan Casood.
Waxaana 50 xildhibaan ay u codeeyeen in gudoomiye ku xigeenka koowaad ee goluhu uu noqdo Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle halka ay 16 mudanena u codeeyeen Xassan Hufane Hal codna u helay xildhibaan Casood.
Sidaasna waxa ku ansaxay inuu gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland uu noqdo xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.