WAJAALE NEWS

Carwadii Afaraad Ee Jaamacadaha Dalka Oo Qabsoontay iyo Midawga Yurub Oo Maalgaliyay+Sawiro

Hargeysa(W,N):-Carwadii afaraad ee jaamacadaha dalka ayaa ku qabsoontay magaalada Hargeysa, taas oo socotay laba maalmood.

Sanadkan ayaa xooga waxa carwadan lagu saaray sidii jaamacadaha dalka loo tayayn laha isla markaasna ay uga jawaabi lahaayeen baahiyaha dalka, waxa xiiso gaar ah lahayd in markii ugu horaysay ay carwadan su’aalo lagu waydiiyay musharaxiinta xisbiga Kulmiye iyo Ucid halka uu ka baaqday xisbiga Waddani doodaasi.

Midawga Yurub ayaa carwadan maalgaliyay sida oo kale wasaarada waxbashada iyo haayada Save the children ayaa iska kaashaday sidii loo hirgalin lahaa.

Wasiirka wasaarada waxbarshada Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa isagu si rasmi ah u furay carwada jaamacada
dalku ay isku soo bandhigeyeen, waxaanu xooga saaray tayaynta aqoonta ardayda la soo baraayo”Sanadkan iyo sanadaha ka danbeeya ee mustaqbalka waxay Somaliland waxbarashada wasaarad ahaan waxaynu ka dhigaynaa halkudhig kor u qaadista tayada, waayo tiradii waa aynu haynaa ee tayo ayaa loo baahan yahay, maanta 35 jaamacadood ayaan maraynaa 20 sano ayaana laga joogaa markii jaamacadii ugu horaysay la aas aasay, markaas waxaynu u baahanay in aan tayada xoojino, tayaduna waxay ka bilaabaysaa dugsiyada aas aasiga ah,kuwa dhexe ilaa sare, raga guddoomyayaasha jaamacadaha ah waxaanu ka codsanaynaa waxii amaro ah ee ka soo baxa wasaarada hawdhaga nuglaadaan. haayada Save the children iyo EU waa ay mahadsanyihiin.”

Agaasimaha guud ee tacliinta sare Dr.Axmed Yuusuf Cali oo carwadan jaamacadaha dalka hadlaayay waxa uu yidhi”sanadkan oo ah kii afaraad ee ay isku yimaadaan dhamaan jaamacadaha dalku, waxaynu halkudhig u qaadnaay shan qodob oo aynu jecelnahay in shanta sano ee soo socda ay waxbarashadeenu ku talaabsato, qodobka koowaad waa inay waxbarashadeenu ay hesho aqoonsi caalami ah,qodobka labaad waxa loo baahan yahay aqoontii aynu kula soo bixi lahayn khayraadka dalkeena,xalinta dhibaatooyinka dalkeena oo ay qayb ka qaadanyso aqoonteenu.”

Prof.Cabdisalaan Yaasiin oo ku hadlaayay afka jaamacadaha carwadan isku soo bandhigaayay ayaa aad u faah faahfaahiiyay muhiimada ay aqoontu leedahay, waxaana isaga ooa rimahan ka hadlaayay uu yidhi”Sababta aan halkan isugu nimi waa inaan soo bandhigno waxbashadeenii sare, tacaliintuna wa waxa ay aadamuhu ku kala tagaan, alle ayaa quraankiisa inagu yidhi (miyaya siman yihiin kuwa wax garanaaya iyo kuwa aan garanayn).” waxa uu Prof.Cabdisalaan Yaasiin waxa uu sheegay muhiimad ay diinteenu siisay aqoonta.

Carwadan jaamacadaha dalka ayaa lagu soo gunaaday dood loo qabtay musharaxiinta Somaliland doorashada foodainagu soo haysa tartami doona, waxaan ardayda jaamacadaha iyo sida oo kale dadweyne badan ay halkaas su’aalo ugu danbayntii ku soo waydiiyeen musharaxiintan Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe.

 

 

Exit mobile version