WAJAALE NEWS

Baarlamaanka Itoobiya Oo Qaaday Xaaladdii Deg-Deg Aheyd Ee Dalkaa Lagu Soo Rogay Sanadkii Tagay

Addis.Ababa,(W,N)- Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa qaaday xaaladdii deg degga ahayd ee dalkaas lagu soo rogay sanadkii tagay, kaddib bilo dibadbaxyo ah oo galaaftay nolosha boqolaal qof.

Baarlamanka oo maanta kulan gaar ah isugu yimid, ayaa ansixiyey tallaabadan wax yar kadib markii ay warbixin ka dhageysteen wasiirka gaashaandhigga Siraj Fegessa, oo sidoo kale madax ka ah taliska loo xil saaray in ay la socdaan xaaladda deg degga ah.

Warbixintii uu baarlamanka ka hor akhriyey ayuu Fegessa ku sheegay in xaaladda nabadeed iyo tan ammaan ee dalka ay iminka horu-martay, inkasta oo walaacyo dhanka amniga ah ay weli ka jiraan qeybo dalka ka mid ah.

Xaaladda deg dega ah ayaa waxaa dalka Itoobiya lagu soo rogay 9-kii October ee sanaddii 2016 kadib markii qorshe la doonayey in lagu ballaadhiyo magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa uu dhaliyey dibadbaxyo isku rogay xadgudubyo siyaasadeed iyo kuwa ka dhan xuquuqda aadanaha.

In ka badan 600 oo qof ayaa lagu dilay qalaalasihii dhacay, waxaana lagu xidhay in ka badan 21,000 oo qof. Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in 8,000 oo qof ay weli xabsi ku jiraan, waxaana lagu eedeeyey in ay galeen dambiyo intii rabshadaha ay socdeen.

Exit mobile version