WAJAALE NEWS

Wel-welka Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Sii Xoogaystay Iyo Maamulka Shirkada DP-World Oo Shaqaalaha U Qaybiyay Waraaqo Aan Nuxurka Ku Duugan Aan Ilaa Hada La Garanayn

Berbera,(W,N)-Maalmihii udanbeeyay waxa shirkada Dp World maamulkeedu u qaybiyeen shaqaalaha u shaqeeya ee dhalasho ahaan somalilanders ka ah waraaqo qoraal oo ay ku rabaan in ay faah faahin kaga soo bixiyaan qof kasta oo shaqaale ahi in shaqada dekada ay ka wada shaqeeyaan cid ay qaraabo Dhow Yihiin.

Waraaqahan ay maamulka shirkada Dp World u qaybiyeen shaqaalaha ayaa lagu sheegay in shaqaaluhu ay soo qoraan cida ugu dhaw ee ay ka wada shaqeeyaan dekeda, Sida Walaalkaa Ama Walashaa, Inaadeerkaa Ama Adeerkaa, Xaaskaaga Ama Aabahaa, Hooyadaa Ama Inankaaga, Eedada Ama habaryartaa, Caruur Aad Awoow u Tahay Ama Aad Ayeey U tahay
Shaqaalaha dekada oo awalba cabashadoodu badnayd ayaa kasii qayliyay arrinkan cusub ee faylka loo galinayo,waxaanay ka baqo qabaan in abla ablayn lagu samayn doono oo xisaab kale ka danbayso arinkan lagu baadhayo shaqaalaha dekada Berbera.

Qaar kamida shaqaalaha ayaa ka baqo qaba in baadhitaankan uu daba socdo arrin qabiil baadhis ah oo macnaheedu yahay in la ogaado qofkastaa halka uu kasoo jeedo,sidoo kalena waxay shaqaaluhu ka baqo qabaan in shaqada laga caydhiyo.

Guud ahaanba shaqaalaha kala duwan ee ka hawgala dekada Berbera ayaa mudadii koobnayd ee shirkadani mamulaysay dekada Berbera ay kasoo yeedhaysay cabashooyin kala duwan sida muruqmaalka, oo aan illaa iminka wax heshiis rasmiya oo ay ku shaqeeeyaan aanay la galin shirkada Dp World.

Muddo Toadabada bilood ku dhow waxaa shaqada laga eryay in kabadan 150 kamid ahaa shaqaalahii dekeda, labadii todobaad ee u danbeeyayna waxa soo baxayay warar sheegaya in shaqaale gaadhaya Boqol qof ay shirkada Dp World eryi doonto ama shaqada ka fadhiisin doonto,iyaga oo ku sababaynaya da’dooda iyo dhanka caafimaadka.

Xukuumada Somaliland oo dhex u ah muwaadiniinta ka hawlaga dekada Berbera iyo shirkadan Dp World ee gacanta ku haysa maamulka dekeda ayaan iyagu ilaa hadda xal waara ka gaadhin khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhaxeeya shaqaalaha iyo maamulka Shirkada,taas oo mararka qaar sababta in hakad ku yimaado shaqada dekeda gudaheeda ka socota.

Gabagabadiina ilaa hadda lama garnayo nuxurka iyo ujeedada ay xambaarsan tahay waraaqahan ay maamulka shirkada Dp World u qaybiyeen shaqaalaha ee ay ku doonayaan inay soo qoraan shaqaale kaste cidda ugu dhaw ee ay dekeda ka wada shaqeeyaan.

Exit mobile version