WAJAALE NEWS

Wasiirka Wershadaha Jsl Oo Dadaal Xoogan U Galay Sidii Ay Dadwaynaha Gobolka Gabiley U Qaadan Lahaayeen Kaadhka Codbixinta.

Dadka Ku Dhaqan deegaannada Tog-wajaale ee Is Diiwaangeliyey oo Wasiir Shucayb Fursad U Siiyey Inay Kaadhka Qaataan

 TOG Wajaale (W,N) Wasiiraka Warshadaha Somaliland Mudane Shacayb Maxamed Muuse Ayaa Kormeer daaran hawlaha kaadhqaadashada iyo sida ay bulshada deegaanka Tog-wajaale uga qaybqaateen qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka, Ku Tegay Dagmada Tog-Wajaale  iyo deegaannada hoos taga ee gobolka Gabiley.

Wasiir Shuceyb oo ujeedada ugu weyn ee socdaalkiisa la xidhiidhay sidii dadka aan weli qaadan kaadhkooda codbixinta ay u qaadan lahaayeen ayaa halkaasi waxa uu ka kireeyay Gaadiid uu ugu talogalay shacabka deegaanka Wajaale ee aan iyagu weli kaadhka qaadan, waxaana markii uu gaadhay magaaladda Wajaale si diiran usoo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaaladda.

Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa dadweynaha ku dhaqan magaaladda Wajaale kula hor hadlay barxada dawladda hoose ee degmada, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay kaadhadhka codbixinta qaateen, siiba inta aan weli qaatan kaadhadhkooda.

Kadib Hadalo isugu jira dhiirigelin iyo dardaaran oo wasiirku kula hadlay dadweynihii isugu soo baxay khudbadiisa, ayaa gebi ahaan dadweynihii goobta ku sugnaa waxa ay ku diirsadeen hadalada ficilka leh ee wasiirkooda, waxaanay dhammaan dadkii aan qaadan kaadhka codbixinta ay isku gureen baabuurtii basaska ahayd ee wasiirku usoo kireeyay, si ay u doontaan kaadhadhkooda codbixinta oo yaalla magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley.

Ugu dambeyn Wasiirka Warshadaha Somaliland Ayaa dedaal dheeriya u sameeyay, sidii Shacbka ku dhaqan Gobolka Gabiley u Wada Qaadan Lahaayeen Kaadhka Codbixiyaha, Taas oo uu wasiirka warshedahu Guntiga Dhiisha iskaga Xidhay sidii Guud Ahaan Shacabka Gobolka Gabiley u, Qaadan Lahaayeen Kaadhka Codbixinta, oo aanay ciddi uga hadhi lahayn.

Exit mobile version