Waxay inoo maraysay maxaa loo qaban laayahay ,ragii iyagu boobay banka ee sababta lahaa, ninkii la socday , meesha waa laba tuugo oo kala ah mid qalinka waxa ku dhacaysa iyo mid qoriga ku dhacaysa .tan qoriga ku dhacaysaa waa rag badheedhay oo sitoosa oon leexleexad lahayn lacagta baanka u dhacay, labadana waxaa khatar ah ka wax ku dhacaaya qalinka, kan qorigu isagu waa shul amaba shal ,
Dowladi se maxay kuwaas ka damacday ,wax badan bay ku dadaashay in ay raadiso laakiin rag daba gal ah ayaa ay dalkoo dhan ku daadisay ,
laakin nin ka mid ah ragii dabagalka ayaa ogaaday ragii . in ay dalka joogaan warbixina wuu ka soo gudbiyey, Taliyahiiba ku yidhi waar raga sidebaynu xog uga helanaa? Way fududahay taliye . raad baanan ku joogaa waxaan jecelahay in aan gaadhi doono .ee iga war dhowar , in kastoo how adag tahay oo ragani dhimasho u diyaar yahiin, hadana ,waa in aanay ladin, laakiin ragani waa rag aad utigtoon . laakiin mudadii kuwan kale lagu mashquulsanaa ayaa iyaga laftirkoodu waxii ay lacag haysteen kala qaybsadeen nin walbana gobol ayuu degey , waxaanay iska dhigeen rag caadiya oo loo malayn Karin inay tuugo yahiin, dadkiina way dhex galeen , waxayna ku guulaysteen in ay maalgan ku sameeyaan,laakiin wax la ogaan waayaa majiro .
Laakiin ragii dabagal ahaa ee dowladu dalka ku daadisay waxay socdaanba ,waxay wareegaanba waxay ,waxay bulshadii qof qof ay u arkaaba ,waxay aakhirkii ku guulaysteen in ay nin tuhmaan oo la sooxidho, ninkaas oo markii la soo waraystay hooyadii oo da a ah ,ay sheegtay in aanay mudo sanadaa aanay arag ,laakiin markii iigu hadal danabaysay wuu ka mid haa ( gangs groups) kooxaha tuugadaa , oo kaalay wax hantiya ma ku ogayd inankaga oo ugaar ah, islaantii, may maya,
Waxa ninkii la baadhaba .waxa uuqirtay in uu kamid ahaa nimakii boobka ku samayey baanka, laakiin wax uu sheegi waayey ragii kale halka ay ku danbeeyeen, maraarmar badan kadib waxaa loo balan qaaday hantida uu lacagtii ku maal galiyey in waxii uu ka macaashay loo dayndoono .hadii uu ragii kale soo ogaado ,mustaqbalka la hagaajin doono, markaas buu yidhi waxaan rabaa balanqaad buuxa, oo ilaa heer raysalwasaare ,hadii kale waxaan sheegayaa majiro, show wax uu la socday ninkii isdhiibay sheekadiisii
Ragii badhayaasha ahaa arinkii jiq buu ku noqday ,waxayna warbixin ugudbiyeen wasiikrii arimaha gudaha, isna isagoo ka wakiil ah raysal wasaaraha ayuu warqad balanqaada usameeyeyninkii , waxaana lagu yidhi ragii kale soo ogow halka ay joogaan ,adiguna waa lagu siidaynayaa nalana shaqee oo markasta nala soo xidhiidh,
By: khadar adam aw muuse