WAJAALE NEWS

Sucuudiga Oo Laba Maxjar Oo Berbera Ku Yaala Ka Qaadanaya 800,000 Oo Neef Xiliga Xajka

Hargeysa(W,N)-Siddeed Boqol Oo Kun (800,000) oo xoolo nool ah ayaa dekeda Berbera uga dhoofi doona dalka Sucuudiga kuwaas oo kamid noqon doona xoolaha dalkaasi tagaya wakhtiga moosinka Xajka.

Xoolaha oo kusoo beegmaya iyaga oo Sucuudigu xayiraad saaray xoolaha guud ahaan Somalida ayaa lagu sheegay kuwo uu dalbaday Baanka Islaamku,waxaana ay kamid noqon doonaan xoolaha sanadkan Xajka lagu qalayo.Xoolahan Siddeeda Boqol ee Kun ah ee ka dhoofaya dekeda Berbera ayaa waxa kala qaybsan doona laba Maxjar oo ku yaala magaalada Berbera,waxaanay kamid yihiin xoolo nool oo uu Baanka Islaamku qandaraas ku siiyey ganacsade Sucuudiyaan ah.

Sidoo kale xoolo kale oo aan tiradooda la sheegin ayaa Baanka Islaamku ka qaadanayaa magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland,sida ay sheegayaan warar uu Geeska Afrika helay.
Sucuudiga ayaa in kaste oo uu ogolaaday in xoolahan dalkiisa la galiyo xilliga moosinka Xajka,haddana aan xayiraadii xoolaha ka qaadin,waxaase la sheegay in gudaha Sucuudiga ka socdaan dadaalo ay wadaan ganacsatada xoolaha ka ganacsada ee Sucudiga oo dawladooda culays ku saaraya inay xayiraada ka qaadaan xoolaha Somalida.

Exit mobile version