WAJAALE NEWS

SONYO Dallad siqiirtay

Sonyo sanad kasta shirweynaheeda waxay soo bandhigta lacag faro badan oo soo gallay oo kharash uun kaga baxay, marka kharashkii kaga bixi jiray kiradda waatan guri qaraamaad loogu dhisaye halkuu maray, wali ma arag wax la taaban karo oo dhalinyaradda u qabato horayso iyo dambayso.
SONYO waa dallad ay ku bahoobeen qaar ka mid ah ururadd dhalinyaradda, waxay wakhtigan gaadhi lahayd wakhti ay ururadda ay maalgalin lahayd oo ay mashaariic u raadin lahayd, hadii ururkii ku jiray iyo iyadii isku mashruuc raadinayaan waa ayaan daro.
Inkastoo nin aanu sxbnahay oo shaqadda ku cusub uu agaasime noqday, inamo kale oo aanu asxaabnahay BOD-ka ku jiraan hadana dhaliisha taalla iga hor istaagi mayso saaxiibada meesha ku jira, waxa loo baahan yahay inay fadhiga ka kacaan oo dhalinyarada rajo beelka iyo niyad jabka haysta aragti ay ku badbaadin lahaayeen la yimaadaan.
Toddobadii sanadood ee u dambeeyey dalladdu hoos u dhac mooyee horumar kuma arko marka laga reebo dhismahan ay hadda gasho, marka waxa loo baahan yahay inay dhalinyaradda barnaamijyo hanka iyo himiladda u dhisa u sameeyaan, oo ay meel walba u galaan oo aanay noqon magac u yaal.
Inta xogogaal u ahay SONYO dhalinyaradda ka soo baxa ama ku soo tobabarta waxa kaliya ee ay ka soo bartaa waa khiyaamo, wax la yidhaa faji, qabyaalad iyo eex, marka waxa loo baahan yahay inay noqoto madal dhalinyaradda u tobabartay siyaasadda wanaagsan, hogaamiye wanaagsana ka soo baxo oo dhalinyaraddu ku dayan karto.
Bulshadu halka ay ku liidata waa dhalinyaradda, marka ilaahay waxaan u baryayaa in SONYO garansiiyo jidka toosan iyo magaca dhalinyaradda ee ay sidato mid kaga dhabaysa wax qabad la taaban karo.

Qalinkii: Barkhad Ladiif

Exit mobile version