WAJAALE NEWS

Shaqaaqo Mar Kale Ka Soo Cusboonaatay Degaanka Dararwayne Ee Degmada Ceel-Afwayn + Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashay

Hargeysa(W,N)-Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in goor dhawayd ay shaqaaqo dib uga soo cusboonaatay deegaanka Dararwayne oo ka tirsan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Shaqaaqadan ayaa waxay dhex maraysaa laba beelood oo wada dega deegaanada Degmada Ceel-afwayn oo horena ay u dhex martay shaqaaqo khasaare sababtay isla markaana heshiisiintooda  wali la wado .

Waxaana shaqaaqadan oo sababtay  khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana shaqaaqadaasi ku dhintay Hal qof halka saddex kalena dhaawac yahay waa sida ay noo sheegeen dad ku sugan Ceel-afwayn.

Waxaana shaqaaqadan is rasaasaynta sababtay ay ka bilaabmatay sida naloo sheegay kadib markii ay xurguf gacan ka hadal ah ay dhex martay maayar ku xigeenka deegaanka Dararwayne iyo wiil dhalinyaro ah oo isla degmada ah,kuwaas oo dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray.

magacyada dadka ku dhintay shaqaaqadan ayaa ah nin la yidhaahdo Cabdi Saalax Warsame halka magacyada dadka dhaawaca ahina ay yihiin Cali Aadan Axmed, Axmed Jaamac Xirsi, Yaasiin Hurre Qaylo wayne.

Wali waxa laga maqlayaa deegaanka Dararwayne rasaasta ay is dhaafsanayaan maleeshiyo beeleedkani,waxaana markiiba se goobta gaadhay ciidamada Qaranka Somaliland,kuwaas oo labadan ciidan maleeshiyaadba ka saaray gudaha magaalada,waxaana duleedka deegaankaasi ay maleeshiyaadkani isku waydaarsanayaan rasaas.

Sidoo kalena  waxay wararku sheegayaan in degmada Ceel-afwayn laga dareemayo sansaan colaadeed,waxaana gabi ahaanba amaanka magaalada la wareegay ciidamada Qaranka Somaliland.

 

Exit mobile version