WAJAALE NEWS

“Qofka Xaaladda Madaxwanuhu Way Xun Tahay Iyo In laga Soo Dayriyo Jecel Waxan leeyahay Wedka Intii Nooli Way u Siman Yihiin.” Cali Guray

Kol Hadaan Cid Laga Deynahayn Mawdka Damaqiisa kuwa Haatan Soo Diganayow Daniyo Xeeshiina,

Waa edeb darrada warbaahinta qaarkeed waana caadadeed inay faafiyaan war aanay sheegin meel ay ka keeneen iyo cid rasmi ah oy ka soo xigteen. Wasiiradii shalay ka yimi Madaxwaynaha iyo warkoodii uma qudhqudhsana waayo wuxu ahaaa war khayr leh iyo bishaaro wanaagsan waxay ka jeclaayeen war baas oo dhiilo leh. Markaa isaga la wadwadi maayo. Qofka xaaladda Madaxwanuhu way xun tahay iyo in laga soo dayriyo jecel waxan leeyahay wedka intii nooli way u siman yihiin ka xanuun hayo iyo ka caafimaadka qaba ee cararaya ee u haysta inu isagu ka nolol dambaynayo ka xanuunsanaya. Yaa u balan qaaday isaga imisa caafimaad qaba ayuu baabuur jiiday, xabadi dishay, dayuuradi la dhacday. Kuwa iimaankoodu daciifka yahay waxan u sheegi lahaa nafta Madaxwaynaha iyo naftiinuba iyo nafta qof kasta oo nooli waxay ku jirtaa gacanta Ilaahay saacadda ay dhalanayso iyo saacadda ay dhimanayso iyo reziqeeda iyo weliba janno iyo naar ta uu gelayo waa arimaha Ilaahay iska leeyahay ee isaga u gaarka ah een cid la wadaagtaa jirin. Markaa hadii Madaxwaynaha ilaahow caafimaad sii wixii kurbo iyo xanuun ahna ka dulqaad kaga bakhaysheen afxumada iyo erayga gef uun iska daaya wax aan dembi ahayn oo idiinku sugani ma jirto eh.

Madaxwaynaha Somaliland Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo caafimaad taam ahna oo sareecan ahna ha siiyo.

 

Wuxu yidhi wadaadkii

KOL HADAAN CID LAGA DEYNAHAYN MAWDKA DABAQIISA

KUWA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA

Exit mobile version