WAJAALE NEWS

KULMIYE IYO XUKUUMADIISU MAANTANA MAXAY SHACABKA SSC LA HORTEGI DOONAAN

Shirkii Awrboogays kadib Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu way ka baxeen hehiis iyo balan kasta oo ay la galeen dadkii iska diiwaangeliyey Gobolada SSC.

  1. Heshiiskii Awrboogays markuu dhamaaday, waxaa laga soo dabo raray waahadalka Cali Khaliif oo lagu nasaqayo, balantii ahayd diiwaangelinta kadib in laysu yimaadona waa laga baxay.
  2. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Laascaanood kaga dhawaaqay Burco ayaan ku shiraynaa, taana waa lagaga baxay.
  3. Mudo kadib wuxuu degmaa Xuddun kaga dhawaaqay inaan heshiiskaas laga bixin, wuxuuna u magaacay gudi uu Musharax MUUSE BIIXI CABDI oday u yahay, ilaa maanta Muuse Biixi oo ah ninka dadkaas codkooda doonayey maalin qudha gudigii isuguma uu yeedhin, oo ma weydiin war maxaynu ka yeelnaa, taas waxaa dheer inuu taageeray fekradii odayga cidlo meerka ah ee Cali Khaliif Galaydh ee ahayd Degaamada SSC keligay baa wax laga weydiinayaa, isagoo og in aanu hal cod siin karin.
  4. Mar kale Muuse Biixi Cabdi wuxuu socday ilaa Taleex, Bulshada degaamadaasina waxay ka codsadeen inuu KAYBALKA HIGLADA ee inaadeerkii u xaniban uu soo daayo, dhamaystirka heshiiskii Awrboogaysna uu ka shaqeeyo iyo in haddii uu cod ka rabo uu heshiis la galo, wuxuu ugu jawaab celiyey xaflad iyo Sawiro uu kooxda Cali Khaliif la galay oo macnaheedu u muuqdo codkiina Calibaa ka weyn, Kaybalna laydiin soo deyn maayo.
  5. Taas waxaa sii dheer urur Aqoonyahano ah oo Musharaxa Kulmiye ka socday oo intay dadka shirar iyo balanqaadyo la galeen, markay Hargeysa ku soo noqdeen Telefoonadoodii adeega dhidha loo yaqaano ku xidhtay, kuwaas oo dad badani u qaateen koox u soo fasax iyo ciyaar tagtay.
  6. Taas waxaa ka sii daran in laysla gartay si caasimada Hargeysa ay u noqoto Caasimad dadka oo dhami ka muuqdaan in dadka SSC ka soo jeeda degaanka wax laga siiyo, sanad baa ka soo wareegtay waxayna noqotay CIYI WAA KA BERYEY, meeshii la isyiraahdo siiyaba…….
  7. Waxaa Xusuus mudan in Musharax Muuse Biixi uu horey u yidhi Anigoo cod heli kara (SAYLICI) cidlo aadi maayo (XAGLOTOOSIYE).

SI KASTABA HAYSKA AHAATEE BALAN FURYADO WAXAY NOQOTAY TIRO BEEL, SHEEKADA KULMIYE IYO XUKUUMADIISA IYO SHACABKA SSC WAXAY LA MID NOQOTAY TII CUMAR BEENAALE, QOFKA MUSLIMKA AHNA LAMA OGOLA IN LABO JEER ISKU MEEL LAGU KHIYAANEEYO, SIDAASDARTEED MA JIRO WAX WEJIYA AMA AAMINAA AH OO MAANTA KA DHEXEEYA AMA DHEXMARI KARA KULMIYE IYO SSC.

HADABA WAXAA SHACABKA ISKA DIIWAANGELIYEY DEGAAMADA SSC KU WAAJIBA INAY QAATAAN KAADHKA CODBIXINTA SI AY UGA AARGOOSTAAN GEFAFKII IYO QUUDHSIGII AY KULA KACEEN KULMIYE IYO XUKUUMADIISU.

NB:
WAXAA DHOWAAN SOO FOOL LEH HORGALO LOO SOO DHIIBAY RIWAAYADIHII DHACAY EE HESHIISYADII AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE KUWAAS OO CODKIINA LAGU RABO, MARKA LAYDINKA QAATANA WAXAA LAYDIIN SAARI DOONAA TELEFOONKA AAD WACDAY WAA MASHQUUL

Xigasho:Xaysimo

Exit mobile version