Hargeysa(W,N)-Guyuud ahaanba maamulka iyo haw maal;meedka dekeda Berbera yaa maalmihii u danbeeyey qasan,waxaana isa soo tarayas warar dhiilo leh oo ku saabsan ismarin waa ka dhex aloosan ganacsatada waa wayn ee reer Somaliland ee alaabada kala so dagi jirtay dekeda iyo sidoo kale tacadiyo la sheegay in lagu hayo shaqaale waynaha dekeda Berbera gaar ahaana muruqmaalka dekeda.
Waxaana habeen hore niskkii danbe ay shaqaalaha waaxda Stevedorns ee dekeda Berbera jojiyeen dhamaan shaqadii ay ka wadeen dekeda Berbera gaar ahaana waaxda qaabilsan dajinta iyo rarita alaabta dekeda Berbera taala oo tiradooda la sheegay inay kor u dhaafeen 428 qof oo wakhtiyo kala duwan gala.
Waxa sidoo kale dekeda Berbera ku xanniban maraakiibtii ugu badnayd oo muddo bil ah khilaaf jira awgeed loo rogi la’ yahay ,iyada oo dhinaca kalena ka aamusan tahay xukuumaddu inay farogalin ku samayso dekeda oo ay kala dhex gasho maamulka shirkada Dp World iyo ganacsatada khilaaf soo kala dhex galay.
Tan iyo intii shirkada Dp World la wareegtay maamulka dekeda Berbera waxa taagnaa is fahan la’aan xoog leh oo ka dhaxaysa shaqaalahan murruqmaalka ah iyo masuuliyiinta shirkada Dp World. Shaqaalahan ayaa horaantii bishan aynu ku jirno qoray u qoray maamulka dekeda Berbera waxaana ay ku cadeeyeen shaqayn doonin,hadaba shaqo joojintan ay shaqaalaha muruqmaalka ah ku dhawaaqeeen ayaa waxay masuuliyiinta Dp World u qoreen habeen hore.
Waxay shaqaalaha shaqo joojinta sameeyey ay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland inay soo dhex gasho qaskan iyo fahan waagan ka dhex taagan dekeda Berbera una dhaxeeya shaqaalah muruqmaalka ah iyo maamulka dekeda.Waxaana ay ku eedeeyeen in aanay ogolayn maamulku xuquuqdii ay lahaayeen shaqaaluhu,isla markaana ay ka baxeen heshiiskii lagu wada shaqaynayay.
Shalay ilaa xalay shaqada dekeda Berbera ayaa ahayd mid taagan,waxaana dekeda Berbera ku xaniban ugu yaraan Shan Markab oo ah kuwa xambaara Koonteenarada,kuwaas oo sida alaabooyin kala duwan,waxaana ay kala yihiin.
MV Kota Handhel Pill
MV Tina Shirkad Iss
MV Kalis Shirkada CMA
Mv Agara Shurkada MSC
Mv Samia Praite shirkada Berbera Shping.
Sidoo kalena waxa xilligan dekeda Berbera taagan laba markab oo uu saran yahay rar Sibidh ah oo muddo taagan badda qaybteeda loo yaqaan Angarage walina aan lagu soo xidhin dekeda Berbera,sidoo kale waxa badda taagan ilaa Bishii Ramadaan markab la yidhaa MV Nawl kaas oo sida Kaargoo u badan Baabuur sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil sare oo dekeda Berbera ka tirsani.
Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafka adage e soo kala dhex galay maamulka shirkada Dp World ee la wareegtay maamulka dekeda iyo shaqaalaha dekeda,kaas oo sababay ilaa hadda in aan la dajin rarka saran maraakiibtaa tirada badan ee ku xanniban dekeda Berbera,waxaana sidoo kale aan la garanayn sababta ay xukuumaddu uga hawl gali wayday arrinkan.