WAJAALE NEWS

Israa’iil Oo Qalabkii Wax Lagu Baadhayay Ka Qaadaysa Qudus

Ciidammada ammaanka ee Israa’iil ayaa xalay bilaabay inay qaadaan qalabka wax lagu baadho
Israa’iil ayaa waxa ay meesha ka saaraysaa qalabka lagu baadho hubka iyo biraha wax lagu dilo ee ay gaysay aagga barakaysan ee maagaalada Qudus, iyadoo taa badelkeedana isticmaali doonta qaab midkaasi ka fudud.

Golaha ammaanka ee Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horreysay oo Salaasadii ah u codeeyay in qalabkaasi meesha laga qaado.
Xiisad ayaa cirka isku shareertay kaddib markii 14-kii July laba askari oo ka tirsan booliska Israa’iil lagu dilay Xaram al-Shariif halkaas oo Yuhuuduna ay u taqaan Temple Mount.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa ka digay xiisadahan taagan ay halis ugu jiraan inay ku faafaan meelo ka baxsan goobahan barakaysan.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Mr Netanyahu ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka ay aqbaleen talo soo jeedinta ah in dhammaan ciidammada ammaanka ay badalaan qalabka lagu baadho hubka iyo biraha oo la isticmaalo tiknolojiyadda casri ah iyo qaabab kale.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 28 milyan oo doolar loo qoodeeyay in lagu soo Iibiyo qalab cusub sidoo kalana lagu qoro askar boolis dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in qalabkaasi wax lagu baadho loo baahan yahay sababtoo ah bay yidhaahdeen raggii hubaysnaa ee weerrarka gaystay hub ayey gudaha masjidka la soo galeen, hasayeeshee go’aankaasi waxa uu kiciyay mudaharaadyo.
Jimcihii la soo dhaafay, saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay iskudhacyo dhexmaray ciidammada ammaanka ee Israa’iil iyo dad dibadbaxayay, xilli kumannaan qof ay isugu soo baxeen Bariga magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Exit mobile version