Qahira,(W,N)-Dawlada Jarmalka ayaa sheegtay in dil loo geystay laba dumar ah oo ka mid ah muwaadiniintiisa kuwaasoo toori lagu dilay xilli ay dalxiis u joogeen xeebta Al-Ghardiqa ee dalka Masar.
Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi, nin laga shakisan yahay inuu fuliyayna waa la xidhay.
Eedeysanahan ayaa waxaa su`aalo weydiinaya booliiska si ay u ogaadaan wuxuu damacsanaa, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Masar.
Ninka oo ku hubeysnaa toorrey ayaa dilay labada haween ka hor inta uusan hoteelka Zahabiya ku dhaawicin labo kale oo dalxiisayaal ah.
Markaa ka dib wuxuu u dabaashay xeeb u dhoweyd wuxuuna weeraray dhaawacna u geystay labo qof oo kale oo ku sugnaa hoteelka Sunny Days El Palacio, ka hor inta aysan xidhin shaqaalihii goobtaasi ku sugnaa.
Saddex dalxiisayaal ajnabi ah ayaa lagu tooryeeyay isla hoteelkaasi, bishii January sanadkii 2016, weerarkaas oo ay fuliyeen labo nin oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.