Md.Calawi Cabdi Gaboobe aya war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay arimha bilawga qaybinta kaadhka cod bixinta ee gobolka Hargesa waxaanu uu dhigna sidan ;
“Waxa maalmahan bilaabmay bixinta ama qaybinta kaadhka cod bixinta ee komishanka doorashoyinka qaranka ee gobolka Hargeysa , waana gobolka ugu dadka badan ee lagu kala baxayo doorashada M/tooyada ee inagu soo fool leh bisha Nov.2017 insha’ Allaah.
Waxa muhuiim ah in la helo lana doorto hogaamiye Han leh , Masu’uuliyada- na qaadi kara , si fican oo madax banaani ay ka muuqata-na uu gudan kara waajibaad-kiisa shaqo ee loo igmaday,dalka-na gaadh-siin kara hour-mar la taaban karo , isla markaana la jaan qaadaya himillada iyo mabaadi’ida lama tab-taanka ah ee dadka ee ku saleesan ee ku qottoma Mabda’ gooni isu taaga iyo Madax banaanida qaranimo ee dalkeena hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland.
Dadweynaha G/Hargeysa waxa la gudboon oo muhiim ah inay si laxaad leh uu qattan kaadhka cod bixinta doorashoyinka si ay uu doortaan hogaamiyaha ay doonayaan inay codkooda siiyaan ee ay is-le’yihiin marxaladan adag ee uu dalku ku jiro Wuu ka saari kara.waxaanu Allaah Subxaanahau WaTacaala ka beryeyna inu sida khayrka leh ina wafaajiyo”.