WAJAALE NEWS

DAAWO; “Baarlamaanku Wax way Qabteen Oo Ma Wada Dafirayno, Laakiin Hawshii aynu ka Rabnay 12-sano Ee ay fadhiyeen Boqolkiiba Toban (10%) kamay Qabanin.” Gudoomiye Muuse Biixi.

Burco (W,N )- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka Golaha Wakiillada Somaliland ee uu hoggaamiyaha ka yahay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaannu shaaca ka qaaday in golahaasi ku guul-darraystay inay ummadda wax la taaban karo u qabtaan muddo 12-sanno ah oo uu gadh-wadeen u ahaa.

Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu daah-furay bixinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha ee Gobolka Togdheer oo ka dhacday magaalada Burco maanta, waxa uu si faahfaahsan bulshada ugu sharraxay sida Golaha Wakiillada ee uu gadhwadeenka ka yahay Cabdiraxmaan Cirro uga gaabiyeen waajibaadkii qaran ee loo doortay iyo niyad-jabka ay ku rideen ummadda.

Exit mobile version