WAJAALE NEWS

Xanuunka Shuban Biyoodka Oo ka Dilaacay Magaalada Kalabaydh Ee Gobolka Sool Iyo Dad Tiro Badan Oo Uu Soo Ritey

Hargeysa(Wajaalenews)-Magaalada Kalabaydh Ee Gobolka Sool ayaa Haatan waxaa Ka taagan xaalad culus oo caafimaad kadib markii uu Ka dilaacay xanuunkii Shuban Biyoodka kaaso Inta Badan Deegaanka Khaatumo Ku Dhuftay.

Waxaana cusbitaalka deegaanka Kalabaydh ee gobolka Sool lasoo gaadhsiiyey sida la sheegay in ka badan 100 qof oo uu soo ritey xanuunka Shubban Biyoodku,kuwaas oo u badan Caruur iyo Waayeel isla markaana ay qaar xaaladoodu culus tahay.

Cusbitaalka magaalada ee lasoo  gaadhsiiyey dadka ayaa waxa ka go’ay dawooyinkii lagu dawayn lahaa dadka,waxaana waadhadhka  cusbitaalka jiifa dadka uu soo ritey xanuunnku,iyaga oo ilaa hadda wax gurmad ah loo fidin.

Xaalada magaalada Kalabaydh ee gobolka Sool ayaa hadda ah mid adag,waxaana isa soo taraya dadka uu soo ridanayo xanuunka Shuban Biyoodku,dadkaasi ayaa waxay u baahan yihiin gurmad la gaadhsiiyo.

 

 

Exit mobile version