WAJAALE NEWS

Wejiga Cusub Ee Bariga Dhexe Iyo Saameynta Uu Ku Yeeshay Geeska Africa, Soomaalia iyo Somaliland

ka dib markii uu dhammaadey Dagaalkii qaboobaa Guushiina ay raacdey Waddamada Reer Galbeedka Soviet Union meesha ka baxey waxa xigtey in Saaxiibadii Ruushkuna ay iyana la burburaan Yurubtii Barina ay ka dhacdo Haantaa Hadhuubla, Dowladihii Ruushka la safnaa waa Gaashaanbuurtii WAARSO waxna ay qeybsamaan sida Geaskoslafakia oo u qeybsantey Cheak iyo Slovakia qaarkoodna ay kuba biiraan NAATO oo iyadu ah ta guuleysatey.
Dhinaca Bariga dhexe iyo Africa haddii aynu eegno Waddamadii Gacan-saarka la lahaan jirey Soviet Union amaba ay Askartu xukumasey waxa ay iyana mareen Waddadii Burburka ee Ruushka waxaana Reer Galbeedku Dagaal toos ah iyo mid dadbanba ku qaadeen Waddamada Ciraaq, Suudaan, Ethiopia, Soomaalia iyo Libiya.Tusaale waxa ay taageero isla barbartaageen Jabhadihii afgenbiyey Dowladii Ethiopia ee uu ka talinayey Mangistu Haile Maryam intii u dhaxeysay 1974 ilaa 1991.Waxa ay weerar Cirka ku qaadeen Waddanka Suudaan,Waxa ay Cir iyo dhulba ka weerareen Waddanka Soomaalia Sannadkii 1994,Waddamada ay Afka Ciidda u dareenna waxa ka mid ah Waddanka Libya Waxa iyana Burbur weyn ku yimi Waddanka Suuriya oo ilaa maanta Dagaal ka socdo Xulafo Cusubna la noqdey Dowladdii Ruushka oo dib isu soo
abaabushey.
Haddii aynu eegno Tabaha iyo Xeeladaha ay adeegsadeen Reer Galbeedku ee ay ku burburiyeen Waddamada aynu kor ku sheegney waxa ka mid ah iyaka oo adeegsadey Saaxiibadoodii ay ku lahaayeen Bariga dhexe sida Waddanka Israel iyo Waddamada khaliijka Carabta ee Qaniga ku ah Petrolka oo noqdey Saldhigyadii lagaga duuley Waddamada Ciraaq, Suuriya, Liibiya.Waxa kale oo Waddamadaa lacagtoodii Reer Galbeedku u isticmaaleen sidii ay u sii Furfuri lahaayeen Waddamadaa ay Burburiyeen.Haddii aynu dib ugu soo noqonno Arrinta Geeska Africa iyo Weliba ta Soomaalida waxa ay ku fureen Dagaallo lagu hoobtey oo aan kala joogsi la heyn muddo imika la joogo 25 Sano.Dagaaladaa oo kolba Shaadh loo soo gelinayo Sida Alshabaab, Warlords iyo Dagaal Beeleedyo. Iyada oo Kharashka Dagaalka ku baxayana la soo marinayo ama ay bixiyaanba Waddamada Khaliijka.Hubkana la mariyo Dawladda Ethiopa oo Gacan saar dhow la leh Dawladaha Reer Galbeedka, Dhinaca Soomaaliland oo 25 Sano ka Go,dey Soomaalia inteedii kale horumar la taaban la taaban karo
na ka sameysay dhinac kasta ayaa Dadkeedu waxa ay isweydaanayaan Sababta ay Waddamada Reer Galbeedku dhabarka ugu jeediyeen una diideen iney aqoon sadaan.Wax ay se Mo,og-yihiin Dadka Reer Soomaaliland Halgankii qadhaadhaa ee ay la galeen Reer Yurub Waqtigii isticmaarka oo aan iyaka weli Maskaxdooda ka bixin,Suurta galna aaney u arag qaabka ay reer Soomaaliland u rabaan Dowladnimada loona baahan yahey waa sida ay aaminsan yihiine in la helo Dad uu hanuunsan oo ay ka fushan karaan Dano kasta ay leeyihiin sida Waddamada Kenya, Tanzania iyo Zambia
Halka weli Soomaalida uu ku jiro Madax taag.

 

Qore:Ibrahim Deria
London:UK

 

Exit mobile version