WAJAALE NEWS

Warbixin; Magaala-Madaxda Gobolka Saaxil, Berbera, Waxa ku nool dad Dhan 35856 Qof. 11585 Waa lab Qaangaadh ah, 11536 Waa dheddig qaangaadh ah, Halka Carruurtuna ka Tahay 12735!

Magaala-Madaxda Gobolka Saaxil, Berbera, Waxa ku nool dad Dhan 35856 Qof. 11585 Waa lab Qaangaadh ah, 11536 Waa dheddig qaangaadh ah, Halka Carruurtuna ka Tahay 12735!

5708 arday ayaa Berbera u kallaha waxbarasho. 9 dugsi oo hoose/dhexe iyo 2 sare ayay magaaladu leedahay. Saddex jaamacadoodna laamo ayay ku leeyihiin, halka kulliyaddii aqoonta badduna ka dhisan tahay.

Sida xogtan tiro-koobka dhowaan la qaaday ee dawladda hoose muujinayso, raggu waxa ay wax yar ka badan yihiin haweenka.

Carruurta wax barataana waxa ay ka yar yihiin kuwa aan dugsiyada u kallahin.

In kasta oo Berberi tahay magaalo shaqeed, haddana shaqo la’aantu way sarraysaa.

Waxa dadka magaalada ku nool shaqo rasmi ah haya 3642 qof oo keli ah.

Magaaladu waxa ay ka kooban tahay 9547 guri oo hadda dayac-tiran oo dhisan.

Waxa ay Berberi u fidaysaa si la yaab leh. Dhinac kasta 10km ayay u sii socotaa balladh ahaan, halka dhulka degaankii hore ahaa ka noqonayo 3km dhinac kasta.

Afarteeda xaafadood ee Burco-sheekh, Wadajir, Barwaaqo iyo Daaroole, waxa ugu dad badan Burco-sheekh oo ay ku nool yihiin 8736 qof oo gaangaadh ah iyo 4834 carruur ah, waxana ugu dad yar Daroole oo ah halkii magaaladu ka yagleelantay, ayna hadda ku nool yihiin 3875 qof oo gaangaadh ah iyo 2157 carruur ah.

Biyaha magaaladu way ka haqab la’ dahay oo waxa ay ugu yimaaddaan Dubaar oo ka kooban 20 ceel- biyood oo ay ku soo dhacaan biyo joogta ah oo daniici ah oo ka soo gororo durdurro-ileedyo ka yimaadda buuraleyda Golis. Dubaar waxa dhisay maamulkii Turkiga ee Somaliland ka talin jirey qarnigii 19aad.

Waddooyin casri ah ayaa magaalada ka dhaqan galay oo dhowaan dawladda hoose ka hirgelisey.

Dhinaca nadaafadda iyo fayo-dhawrka guud Berbera waa safka hore. Laba jeer ayaa meheradaha qashinka laga qaadaa, halka xaafadahana hal mar laga qaado dharaar kasta.

Berbera dhibaatada ugu weyn ee haysataa waa xoogga korontada oo magaaladu aanay haakah weli ka odhan. Shirkad keli ah ayaa nalka qaybisa.

Waa magaalo kulul oo aan daqiiqad laydhka ka maarmi karin. Dhawrkii cisho ee aannu joogney dhawr goor ayuu huteelkii aannu ku jirney laydhku ka bakhtiyey.

Berbera waxa ay u baahan tahay xoog koronto oo awood leh iyo shirkado si caafimaad qaba suuqa ugu tartama, taas ayay dad badani noo sheegeen.

Dhinaca kale waxa ay dad badani ka sii qaylo-dhaamiyeen in dad gaar ah lagu wareejiyo biyaha Berbera oo hadda dawladdu gacanta ku hayso, si haqab la’ na magaaladu ugu naalloonayso.

 

Gobolka Saaxil ee Berbera xaruntiisu tahay waa gobol qani ah oo taariikh badani ka soo jeeddo. Toddobadiisa degmo waxa ku nool dad gaadhaya 140, 000 qof.

Degmooyinkiisu waa:

  1. Berbera
  2. Sheekh
  3. Go’da Weyn
  4. Abdaal
  5. Xagal
  6. Laasciidle
  7. Bullaxaar.

Qoraa Maxamed Baashe .

Exit mobile version