WAJAALE NEWS

WAR-DEG-DEGA: Mujaahid Ooto Biixi Oo Goordhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa

Hargeysa(Wajaalenews)-Waxa goordhawayd magaalada Hargeysa gaar ahaana cusbitaalka Adna Aadan ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaahid Ooto Biixi Caalin.

Mujaahid Ooto Biixi Caalin ayaa waxa mudooyinkii u danbeeyey ku xanuunsanayey magaalada Hargeysa isaga oo yaalay cusbitaalka Adna Aadan oo hadda ku geeriyooday.

Mujaahid Ooto ayaa ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee dib u xoreeyey Somaliland,waxaana uu sidoo kale kamid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Inaalilaahi Wa Inaa Ilahayti Raajicuun.

 

 

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

 

Exit mobile version